RASMI:- 10-ka Heshiis ee Ugu Qiimaha Xun Suuqa Xagaaga 2026 , Xidiga aad taageerto maku jira ?

Suuqa kala iibsiga xagaaga 2026 wuxuu noqday mid ka mid ah suuqyadii ugu lacagta badnaa taariikhda kubadda cagta, gaar ahaan Premier League oo kooxuhu ay ku bixiyeen lacago aad u waaweyn, heshiisyo ka badan £100 milyan ayaa noqday wax caadi ah, iyadoo kooxo badan ay si weyn ugu dagaallameen xiddigaha ugu sarreeya.

Laakiin lacag badan mar walba macnaheedu ma aha heshiis wanaagsan. Warbixin ay soo saartay Daily Mirror, iyadoo adeegsanaysa qiimeynta FootballTransfers ee Estimated Transfer Value (ETV)  ayaa soo bandhigtay 10-ka heshiis ee loo arko kuwa ugu qiimaha xun xagaagan, iyadoo la barbar dhigay lacagtii kooxuhu bixiyeen iyo qiimaha suuqa ee ciyaartoyda.

Liiska waxaa hoggaaminaya Yan Diomande oo Real Madrid ku biiray, halka Mateus Fernandes, Elliot Anderson, Morgan Rogers iyo Bradley Barcola ay sidoo kale ku jiraan heshiisyada lacagaha badan laga bixiyay, haddaba, 10-ka heshiis ee ugu qiimaha xun suuqa xagaaga 2026 waa kuwan…

1. Yan Diomande – Real Madrid

  • RB Leipzig → Real Madrid
  • Lacagta: £106.84m
  • Qiimaha ETV: £44.27m
  • Lacag dheeraad ah: £62.56m
  • Waxaa loo arkayay mid ka mid ah xiddigihii ugu iftiimay Bundesliga.
  • Xilli ciyaareedkii hore wuxuu dhaliyay 13 gool, wuxuuna sameeyay 9 assists.
  • Liverpool iyo PSG ayaa sidoo kale doonayay, laakiin Diomande wuxuu doorbiday Real Madrid.
  • Hadda waxaa saaran cadaadis weyn si uu u caddeeyo qiimaha badan ee laga bixiyay.

🥈 2. Mateus Fernandes – Tottenham

  • West Ham → Tottenham
  • Lacagta: £85m
  • Qiimaha ETV: £24.53m
  • Lacag dheeraad ah: £60.09m
  • Waxaa loo arkaa mid ka mid ah heshiisyada ugu weyn ee xad-dhaafka ah.
  • Si kastaba, kulankiisii ugu horreeyay ee uu Tottenham kusoo bilowday wuxuu bixiyay assist, wuxuuna abuuray 3 fursadood.
  • Arsenal iyo Manchester United ayaa sidoo kale xiiseynayay.

3. Elliot Anderson – Manchester City

  • Nottingham Forest → Manchester City
  • Lacagta: £116m
  • Qiimaha ETV: £59.32m
  • Lacag dheeraad ah: £56.07m
  • Anderson wuxuu muddo laba sano gudahood ah uga soo baxay ciyaaryahan laga tuuray Newcastle ilaa xiddig muhiim u ah England.
  • Manchester City ayaa ka bixisay in ka badan £100m si ay u hesho.
  • Waxaa laga filayaa inuu door weyn ka qaato khadka dhexe kadib bixitaankii Rodri.

4. Morgan Rogers – Chelsea

  • Aston Villa → Chelsea
  • Lacagta: £117m
  • Qiimaha ETV: £62.74m
  • Lacag dheeraad ah: £54.62m
  • Chelsea ayaa ka dulqaadday Arsenal tartanka saxiixa Rogers.
  • Wuxuu noqday ciyaaryahanka British-ka ah ee ugu qaalisan sida lagu sheegay warbixinta.
  • Bilowgiisa Chelsea wuxuu ahaa mid wanaagsan, isagoo gool dhaliyay kulankiisii hore.

5. Bradley Barcola – Liverpool

  • PSG → Liverpool
  • Lacagta: £106m
  • Qiimaha ETV: £49m
  • Lacag dheeraad ah: £57m
  • Heshiiska guud wuxuu gaari karaa ilaa £123m.
  • Barcola, oo 23 jir ah, wuxuu muhiim uga ahaa PSG guulihii Champions League.
  • Liverpool waxay u aragtaa inuu keeni karo xawaare iyo hal-abuur dheeraad ah weerarka.

6. Ayyoub Bouaddi – Manchester City

  • Lille → Manchester City
  • Lacagta: £81.3m
  • Qiimaha ETV: £37.18m
  • Lacag dheeraad ah: £44.02m
  • Manchester City waxay inta badan lacagta ku bixisay kartida mustaqbalka.
  • Bouaddi wuxuu noqday da’yarkii ugu qaalisanaa ee Premier League.
  • Wuxuu si gaar ah uga dhex muuqday Lille iyo Koobka Adduunka.

7. Sandro Tonali – Tottenham

  • Newcastle → Tottenham
  • Lacagta: £92.5m
  • Qiimaha ETV: £51.2m
  • Lacag dheeraad ah: £41.11m
  • Tonali wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee Newcastle iibisay xagaagan.
  • Waxaa laga bixiyay lacag ka badan Anthony Gordon iyo Bruno Guimarães.
  • Inkastoo xilli ciyaareedkiisii hore uusan aad u fiicnayn, awooddiisa khadka dhexe ayaa weli soo jiidasho leh.

8. Marco Palestra – Chelsea

  • Atalanta → Chelsea
  • Lacagta: £47m
  • Qiimaha ETV: £10.6m
  • Lacag dheeraad ah: £38.12m
  • Chelsea ayaa Inter Milan kaga guuleysatay saxiixa daafaca midig.
  • Waa 21 jir, welina khibraddiisu way kooban tahay.
  • Xilli ciyaareedkii hore wuxuu amaah kula qaatay Cagliari, halkaas oo loogu magacaabay daafaca sanadka Serie A.
  • Weli kulankiisii ugu horreeyay Chelsea ma uusan ciyaarin.

9. Savio – Tottenham

  • Manchester City → Tottenham
  • Lacagta: £75m
  • Qiimaha ETV: £38.38m
  • Lacag dheeraad ah: £36.58m
  • Manchester City waxay markii hore kaga soo iibsatay Troyes qiyaastii £30.8m.
  • Intii uu City joogay wuxuu sameeyay 7 gool iyo 16 assists 84 kulan.
  • Tottenham waxay inta badan lacagta ku bixisay kartidiisa iyo mustaqbalkiisa.
  • Wuxuu horey Girona uga sameeyay xilli ciyaareed wanaagsan oo uu ku lahaa 9 gool iyo 8 assists.

10. Gonçalo Ramos – AC Milan

  • PSG → AC Milan
  • Lacagta: £63.25m
  • Qiimaha ETV: £27.18m
  • Lacag dheeraad ah: £36.07m
  • AC Milan waxay Ramos ka dhigtay saxiixii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda.
  • Inkastoo uusan joogto uga mid ahayn shaxda PSG, haddana wuxuu u dhaliyay 45 gool, 10 assists 131 kulan.
  • PSG waxay Benfica kaga soo iibsatay qiime gaaraya £55m, iyadoo add-ons-ku gaari karaan £12.86m.

11- Enzo Fernandez ayaa xalay late kii 125 milyan ugu biiray Man City kaasoo lacag weyn oo aan caadi aheyn ah, dad badan ayaana isku khilaafay.

Maxaa keenaya in ciyaartoyda qiimahoodu aad u kaco?

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Premier League Big Six ay si weyn ugu tartamayaan ciyaartoyda khadka dhexe. Ciyaartoyda heerka sare ah way yar yihiin, halka kooxaha doonaya ay badan yihiin.

Natiijada: baahida oo badan + ciyaartoy tayo sare leh oo kooban = qiimooyin aad u sarreeya.

5-ta ugu badan ee lacagta lagu kordhiyay

  1. Yan Diomande – £62.56m
  2. Mateus Fernandes – £60.09m
  3. Elliot Anderson – £56.07m
  4. Bradley Barcola – £57m
  5. Morgan Rogers – £54.62m

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga