WAR DEG-DEG AH: Arsenal Oo Weerar Lama Filaan Ah Ku Qaadaysa Heshiis aad uculus !

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah u gashay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Everton Iliman Ndiaye, iyadoo isku dayaysa inay afduubato heshiiskii uu ku sii jeeday Tottenham Hotspur, wararka ayaa sheegaya in Tottenham ay heshiis mabda’ ahaan ah la gaartay Everton oo lagu qiimeeyay ku dhawaad £60 milyan, balse heshiiska weli lama dhammaystirin maadaama shuruudaha shaqsiga ah aan weli la isku afgaran. Taasi waxay albaabka u furtay Arsenal inay soo farageliso.

Arsenal ayaa la sheegay inay xiriir la sameysay dhinaca Iliman Ndiaye si ay u ogaato xaaladdiisa, iyadoo Mikel Arteta uu raadinayo weeraryahan cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, Gunners-ka ayaa dardargelinaya qorshahooda weerarka  maadaama Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli la filayo inay kooxda ka tagaan, taasoo ka dhigaysa baahida weeraryahan cusub mid degdeg ah.

Haddii Arsenal ay ku guuleysato saxiixa Iliman Ndiaye, waxay noqon doontaa dharbaaxo weyn oo ku dhacda Tottenham oo muddo dheer ku dhaweyd dhammeystirka heshiiska xiddiga reer Senegal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga