“Waan dulmiyey Chelsea ciyaarta waxa ay baabi’isay waayaheyga , waxaan lakulmay handadaad dil , sababteeda waxaan ku waayey ixtiraamka dad badan ” sidaasi ayaa ku hadaaqay sanado kadib , maxa ku dhacay garsoorihii ciyaartii Barcelona & Chelsea ee caanka aheyd champions leageu ga 2009, halkee ayuu aaday tan & waqtigaasi

Muuqaalka garsoorahaasi, wajiga Black , indhaha Drogba oo ku sigtay iney banaanka usoo baxaan layaab & cajab aawadeed lidi ku ahaanshaha go’aanada norjiyaanka isagoo ku sifeeyey liidayo & bahdil kubada cagta ah , ciyaar hadii uu soo xasuusto daawadaha soomaaliyeed ay aheyd waxa ugu horeeya uusoo xasuusanayo goolkii Iniesta ee dilaaga ahaa hadalkii khiyaano khiyaano tabintii mucaliqii aljazeera riyaadiyah haantanna ah Being Sport Cisaam al shawaali , waxaa sidoo kale la xasuustaa dhacdooyinkii yaaba lahaa ee ka dhacay ciyaartaasi , waxaana jilaa ka ahaa ninka norwey udhashay & gasorihii ciyaartaasi tom henning ovrebo kaasoo go’aanadiisu ay sababeen hadal heyn badan & isdhaafsi eedo oo socday sanado kudhawaad 12sano ayaa laga joogaa lkn marka lasoo xasuusto waxaa nahor imananaya tafaasiisha ciyaartaasi sida iney dhacay habeenkii xalay ahaa halkee buu aaday garsoorahaasi,
Tom henning ovrebo Ninkan oo udhashay wadanka Norwey waxa garsoorida heerka caalami uu bilaabay sanadkii 1994 kii , waxa uu maamulay munaanasabado kala duwan waxaa ugu weyn uerihii 2008 halka uu qaatay jaa’izada garsooraha ugu fiican dalkiisa tiro 5 jeer,
2009 waxaa loo doortay maamulida lugtii 2aad semifinalkii koobka uefa Champions leageu ee chelsea & barcelona bartamaha Stanford Bridge kadib markii aykuso dhamaatay lugtii hore Bar baro 0-0 ah, halkan ayey isu rogtay waayadiisa ciyaaraha waxaana uu helay caanimo baahsan balse uusan rajeyneynin shakki la’aan sababo go’aanadiisa yaabka lahaa ee habeenkaasi,
Henning waxa uu iska indha tiray dalabka laacibiinta chelsea ee ahaa inuu udhigo 4 goolku laad si uu uwajaho caro daran oo xidigaha kooxda maagalada London, , Bilowgii waxa ay aheyd Maluda oo ku qeyliyey cod dheer isagoo dalbanaya rigoore kadib markii uu qalad kaga yimi dani alves , waxa raacday qaladkii Abidal uuku galay Drogba kadibna doodii Anelka kadib markii Pique gacanta uuku taabtay gudaha rigorada dhamaan waxyaabahan waxa ay dheceen intii chelsea ay laheyd gool,oo kaga filna ugudbida wareega xidga lkn muuqaalka ugu weyn waxa uu yimid goolkii bar baraha dilaaga ahaa kaasoo uu dhaliyey iniesta waqtigii geerida kulanka.

Waqtigaasi chelsea wxa ay heshay fursadii ugu dambeysay koorno si ay usoo ceshtaan kaarkooda ugudbida wareega xiga Ballack ayaa kadib ku tuuray duqeyn xoogan waxa soo celisay gacanta Eric Abidal , lkn garsooraha waxa uu usocday sida ineysan waxba dhicin waa waxa kiciyey dareenka jarmalka Micheal Ballack kaasoo kadaba cararay isagoo wijiga uga qeylinaya carada daran daraadeed, lkn garsooraha Norweyga waxa uu dhameeyey ciyaarta isagoo iclaamiyey in katiibada Pep Guardiola ay ku gudbeen goolka awayba ee stanfordge bridge .
Ciyaarta waxa ayku dhamaatay iyadoo lareebay chelsea hadana madagin carada reer ingiriis manajoogsan eedaha loojeediynayo garsoorka jaraa’idka ayku tilmaameen xatooydii qarniga , waxaana Uefa ayku tuhmeen iney doonayaan ineysan markale dhicin final United & chelsea sanadkii 2aad ee xiriir ah .
Jamaahiirta Blues waxa ay dil ugu hanjabeen Norwejiyaanka , jaraa’idka ingiriiska waxa ay daabaceen qaarkood fariimahaasi, waxaana kamid ah ;- “waxaan ku rajeyneynaa inaad dhimatid , waan ku togan doonaa dhawaan, fariinkalena waxa lagu yiri :- ” waxaan kugu sugi doonaa Norwey si aan ku dilno ” .
umuurta waxa ay gaartay heer ninkan norwey udhashay safarkiisa ilaa garoonka ay wehliyaan ilaalo xoogan, markii uu ku laabtay wadankisia waxaa soo dhaweysay xaaskiisa waxaana caradeeda aykala hadashay warbaahinka iyadoo leh :- dhacdooyinkii aan daawaday waa ay iga careysiisay oo ay iga nixisay waa arin argagax leh , maxey dadka sidaasi ugu falcelinayaan tani waa kaliya ciyaar kubada cagta ” .

Xiriirka kubada cagta yurub waxa ay garsooraha ka dalbadeen inuu afkiisa xirto inta baaris kulanka lagu sameynayo , amaa garsooraha naftiisa waxa uu wajahayey cadaadis xoogan lkn hadana waxa uu doonay inuu dhameystiro waayihiisa laga yaabee inuu ka gudbo waxa dhacay, gaar ahaan isagoo hore usan ula kulmin wax ciqaab ah cagsigeeda sida hore lo sheegay .
Garsoore Hening waxa uu soo maamusay qaar kamid ah kulamada isreeb reebka koobka dunida kuwo katirsan koobka champions leageue lkn qalad kale oo ka dhacay kulan katirsan koobka champions league 2010 waxa uu hadana lakulmay cadaadis kale sida laga soo xigtay si uu u go’aansado iscasilaad isagoo jira 44 sano waxaana si kama dambeys ah 2013 kii uga tagay guud ahaan garsoorka dhan sababo dhaawac dhanka jilibka oo soo gaaray .
sanadkii 2018 mar wax laga weydiiyey ciyaartii barelona & chelsea waxa uu ka leeyahay :- ” Xaqiiqdii maanta kuma faanayo ma aheyn maalmaheygii ugu wacnaa ka garsoore ahaan lkn macalinmiinta & laacibiintaba waa ay qaldamaan waxaan ictiraafayaa inaan uficneyn si igu filan , waxaan go’aanada uqaatay iyadoo laga duulayo ilbiriqsigaasi waxaana rumeysanahay in caalamka uusan daneyneynin waxa aan ku fakarayey waqtigaasi maxaa yeelay waxaan u arkayey inuu yahay go’aanka saxda ah waan ogahay kahadalkeyga inuusan joojineyn arinkaasi waana aysii socon dooontaa ebid, laga yaabee hadii aan go’aanadaasi asiibi lahaa chelsea waxa ay ciyaari laheyd ciyaarta finalka waa dhici kartay in barcelona ay gudubto xitaa rigooradaasi hadii aan dhigo 9 sano kadib waa adagtahay inaan wada xasuust wxixii dhacaey ,

hal laacib xitaa lama hadal kadib dhamaadkii ciyaarta waan baxa waxa nagu waajib aheyd inaan badalno hotelkeena sababo carada taageerayaasha waqtigaasi waxa waajib nagu ahaa inaan taxadarno , wqtiyada qaar waxaan lakulmay fariimo hajabaad dil ah oo iiga yimid jamaahiirta chelsea umuurtana waa kululeyd ilaa sanadkii 2012 lkn hada waxaan ku noolahay amaan gudaha norwey mana jirto wax dhibaato ah hadii ay VAR ay jiri laheyd marumeysni in maanta aan kahadli laheyn waayo waxa isbadali lahaa qaar kamid ah go’aanada aniga waan taageerayaa aaladan, kulankaasi kadib waxaan ku fakaray inaan iscasilo lkn hadana waa siiwaday ,
Aniga waan ku faanayaa wixii aan soo qabtay waayadeyda & inaan soo hogaamiyo kulamo badan oo yurub ah suurtagal maaha in la iigu xukumo sababo ciyaartaasi daraadeed
Be the first to comment