Muxuu ahaa dagaal Messi uu lagalay laacib Xulka Argantina ah & Sida 3 bil uga aamusnaa Maxaa dhacay?

Leandro Paredes ayaa shaaca ka qaaday in Lionel Messi uu muddo saddex bilood ah ka aamusnaa, kadib dhacdo dhex martay labada ciyaaryahan xilli ay wada ciyaarayeen Paris Saint-Germain, Paredes, oo hadda u ciyaara Boca Juniors  wuxuu qayb ka ahaa xulka Argentina ee ku guuleystay Koobkii Adduunka 2022.

Dhacdadu waxay dhacday 2021, kadib ciyaar Champions League ah oo PSG ay 4-1 kaga adkaatay Barcelona, Paredes ayaa sheegay inuu hadal u sheegay saaxiibkiis, balse Messi uu qaatay in hadalka isaga lagu weeraray, inkasta oo Paredes uu isku dayay inuu sharaxo in hadalku uusan Messi ku socon, xiddiga reer Argentina kama uusan jawaabin fariimihii uu diray:- “Waxaan ku dhawaad kala aamusneyn saddex bilood, Waqti aad u adag ayay ii ahayd,” Paredes ayaa yiri.

Si kastaba, markii ay mar kale kulmeen, Messi ayaa xaaladda ka dhigay mid kaftan ah, Paredes ayaa sheegay in Messi uu xitaa qolkiisa ugu yimid subax hore, isagoo biyo ku shubay.

Paredes ayaa hore u sheegay in Messi uu aad uga carooday dhacdada, balse maanta labadoodu ay sheekaystaan oo ay ku qoslaan, labada ciyaaryahan ayaa markii dambe PSG iyo Argentina u wada ciyaaray 80 kulan, iyadoo sidoo kale kala laab jeer ku guuleystay Ligue 1.

Paredes iyo Messi waxay sidoo kale sido kale qayb ka ahaayeen xulkii Argentina ee gaaray finalkii Koobka Adduunka 2026, balse Spain ayaa 1-0 kaga qaaday 19-kii July, Messi ayaa hadda horraantii toddobaadkan ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga