Xiddiga Doorka Weyn Ka Ciyaari Doona Liverpool Marka Uu Arne Slot La Wareego Kooxda Oo La Shaaciyay.

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa nolol ka dambaysa Jurgen Klopp iyada oo tababaruhu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arne Slot ayaa noqday tababraha Liverpool isaga oo shaqada la wareegi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Slot ayaa la filayaa in uu sii haysto xiddigo badan oo haatan jooga kooxda Liverpool.

Waxana haatanba la magacaabay xiddiga doorka weyn ka ciyaari doona shaxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe.

Julian Jenner, oo Arne Slot kala soo shaqeeyay tababare ahaan AZ Ayaa “Waxaan filayaa in isaga [Szoboszlai] uu ka sii fiicnaan doono sida uu hadda yahay”.

“Wuxuu heli doonaa tababare jecel inuu ka ciyaaro qeybta kooxaha ka soo hor jeeda waliba kubad sameeye ah”.

“Waxa aan qabaa in uu door weyn ka ciyaari doono Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga