La Ogaaday: Qorshaha Arsenal Ee Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay keento 3 ama 4 xiddig Oo cusub suuqa Xagaaga iyada Oo doonaysa in ay lacag badan kharash garayso.

Kharashka Gunners-ka waxa uu ahaa in ka badan 200 milyan Oo euro suuqii xagaaga 2023, iyada Oo ay yimaadeen kooxda xiddigo ay ka mid yihiin  Kai Havertz, Jurrien Timber iyo Declan Rice.

Inkasta Oo ay ku tartameen koobab xilli ciyaareedkan hada Arsenal ayaa Laga yaabaa in ay koob la’aan baxdo xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee taas ayaan Arsenal ka Hor istaagi doonin in ay mar kale suuqa Xagaaga xoojiso kooxda.

Sida Laga Soo xigtay Football Transfer, maamulka Arsenal ayaa diyaar u ah in ay la Soo saxiixdaan 3 ama 4 xiddig Oo waaweyn suuqa Xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga