Arsenal Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Tottenham Siina Dheeraystay Hogaanka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood doonayeen in ay guul ka gaadhaan kulanka.

Kooxda Arsenal ayaa heshay gool wakhti hore ah waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Pierre-Emile Hojbjerg kaas oo hogaanka u dhiibay Arsenal.

Arsenal ayaa halkaas ka sii waday dadaalka ay ku doonayso goolal kale iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 27-aad ayay Arsnela dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga Kai Havertz ayaa daqiiqadii 38-aad dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay 3/0.

Qaybta dambe ayay Tottenham soo karaar qaadatay iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Daqiiqadii 64-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay daafaca Cristian Romero kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/3.

Spurs ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalka ay ku doonayaan goolal kale.

Daqiiqadii 87-aad ayay Tottenham heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Son Heung-Min kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/3.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul dirqi ah oo muhiim ah ka gaadhay kooxda Tottenham ee ay jaarka yihiin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga