HORDHACA l Barcelona vs Sevilla: Waqtiga, kanaalka iyo safka la filayo

Barcelona ayaa maanta, Sabti 19 Sebtembar 2026, marti u ah Sevilla, iyadoo labada kooxood ay ku kulmayaan garoonka Ramón Sánchez Pizjuán kulan ka tirsan wareegga 7-aad ee La Liga xilli ciyaareedka 2026/27.

Barcelona ayaa kulankan ku jirta hoggaanka horyaalka iyadoo leh 18 dhibcood oo buuxa, halka Sevilla ay ku jirto kaalinta 5-aad iyadoo haysata 13 dhibcood.

Kooxda tababare Hansi Flick ayaa doonaysa inay sii waddo bilowgeeda wanaagsan ka hor fasaxa xulalka. Barcelona ayaa kulankan soo galaysa kadib markii ay Arbacadii 7-2 ku garaacday Racing Santander garoonka Camp Nou.

Waqtiga ciyaarta

  • 🇸🇴 11:00 habeenimo – waqtiga Soomaaliya
  • 🇸🇦 10:00 habeenimo – waqtiga Sacuudiga
  • 🇪🇬 10:00 habeenimo – waqtiga Masar

Kanaalka

Kulanka waxaa baahinaya Somalifantasy.com , beIN Sports HD1.

Soo jeediyaha: Hassan Al-Aydarous.

Safka Barcelona ee la filayo

Goolhaye: Szczęsny

Difaaca: Eric García, Pau Cubarsí, Gerard Martín, Chavi Espart

Khadka dhexe: Fermín López, Rodri, Pedri

Weerarka: Lamine Yamal, Raphinha, Gordon

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga