Manchester City ayaa maanta oo Axad ah garoonkeeda ku soo dhoweynaysa Sunderland, kulan ka tirsan wareegga 6-aad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, iyadoo City ay haysato fursad ay kaligeed ugu soo baxdo hoggaanka horyaalka.
Manchester City ayaa kulankan ku soo galaysa iyadoo leh 12 dhibcood, halka Sunderland ay ku jirto kaalinta 14-aad iyadoo haysata 4 dhibcood.
Fursadda City ayaa sii weynaatay kadib markii Arsenal ay guuldarro 3-0 ah kala kulantay Brighton, taasoo ahayd guuldarradii ugu horreysay ee Arsenal xilli ciyaareedkan. Arsenal ayaa sidaas ku hartay 12 dhibcood, waxaana Manchester City ay haddii ay Sunderland ka adkaato heli kartaa fursad ay kaga hormarto Arsenal oo ay keligeed ugu baxdo hoggaanka Premier League.
Kulankan ayaa sidoo kale ah kii ugu dambeeyay ka hor inta aysan kooxuhu gelin fasaxa caalamiga ah ee bisha Sebtembar.
Waqtiga ciyaarta
Kulanka Manchester City iyo Sunderland ayaa bilaabanaya:
4:00 galabnimo waqtiga Geeska Afrika.
Kanaalka laga daawanayo
Ciyaarta waxaa si toos ah looga daawan doonaa:
Somalifantasy.com & beIN SPORTS 3
Faallo-bixiyaha
Faallooyinka kulanka waxaa bixin doona:
Cisam Al-Shawaali (Essam Al-Shawaly).
Manchester City ayaa sidaas darteed maanta raadineysa saddexda dhibcood ee ay ugu baahan tahay inay sare ugu kacdo kala sarreynta, halka Sunderland ay dooneyso inay natiijo wanaagsan ka hesho kulankan adag.
Be the first to comment