Yamal oo soo bandhigay sheeko cajiib ah oo dhexmartay isaga & Rashford Kulankii Classico …

Lamine Yamal ayaa sheegay inuu xasuusto markii uu Marcus Rashford ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee El Clásico, isagoo markaas dareemay in xiddiga Ingiriiska uusan weli si dhab ah u fahmin waxa uu kulankan uga dhigan yahay ciyaartoyda Barcelona iyo Real Madrid.

“Waxaan xasuustaa inaan daawaday Rashford kulankiisii ugu horreeyay ee Clásico, waxaana is iri: wali ma fahmin waxa kulankani yahay,” ayuu Yamal u sheegay Movistar, Laakiin Yamal ayaa sheegay in kulankii lugta labaad uu Rashford si weyn u beddelay hab ciyaareedkiisa, isagoo fahmay culayska iyo xamaasadda kulanka , “Markii ay ahayd lugta labaad, wuxuu si dhab ah u fahmay waxa Clásico yahay, Wuxuu dhaliyay gool laad xor ah, wuxuuna ciyaaray isagoo leh xamaasad iyo xoog ka duwan,” ayuu yiri Yamal.

Xiddiga Barcelona ayaa sidoo kale sheegay in ciyaartoyda kasoo baxa akadeemiyada La Masia ay xitaa da’dooda yar fahmaan muhiimadda El Clásico:- “Markaad kasoo baxdo La Masia, laga bilaabo Clásico-daadaa ugu horreeysa waxaad horey u garanaysaa waxa kulankani ka dhigan yahay, Waxaad ogtahay in kulankani yahay dagaal dhab ah,” ayuu Yamal hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga