Macalinka Tottenham oo si adag uga carooday guuldaradii kooxdiisa & Ceyrintiisa oo miiska saaran ….

Tottenham Hotspur ayaa sii wadata bilowgeeda adag ee Premier League kadib markii 3-2 looga adkaaday Aston Villa kulan ka dhacay garoonkeeda, taasoo kulamada horyaalka ee ay guul la’aanta tahay ka dhigtay shan kulan oo xiriir ah.

Guuldarrada ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo Tottenham, iyadoo kooxda ay hadda leedahay kaliya saddex guul 25-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ay gurigeeda ku ciyaartay, Tababare Roberto De Zerbi ayaa si weyn uga niyad jabay bandhigga ciyaartoydiisa. Wuxuu qirtay in kooxdu qeybtii hore si fiican u ciyaartay, balse ay ahayd mid “aad u jilicsan” markii ay fursadaha iska khasaarisay.

De Zerbi ayaa sheegay:- “Maanta aad ayaan u niyad jabay, u murugooday, una xanaaqay bandhigga. Ma lumin karno ciyaartan sidan oo kale. Ma awoodno inaan ogolaano goolka labaad, mana lumin karno dheelitirka sababtoo ah qeybtii hore ayaan gool looga hormaray.”

Tababaraha Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay inuusan ciyaartoyda la hadlin kadib kulanka, isagoo yiri inuusan doonayn inuu wax u sheego xilligaas, Arrinta xaaladda jireed ee ciyaartoyda ayuu mar kale soo qaaday, isagoo sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda aan xulalka u safrin ay tahay inay inta lagu jiro fasaxa caalamiga ah si adag uga shaqeeyaan xaaladdooda jireed.

Dhanka kale, Aston Villa ayaa heshay guusheedii ugu horreysay ee Premier League xilli ciyaareedkan. Unai Emery ayaa si gaar ah u ammaanay goolhaye Zion Suzuki iyo weeraryahan Nicolas Jackson, isagoo sheegay inay labaduba sameeyeen horumar muuqda, Guushan ayaa Villa siisay dhiirrigelin, halka Tottenham ay wajahday cadaadis sii kordhaya xilli ciyaareedkeeda uu ku bilowday natiijooyin niyad-jab leh.

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in in de zerbi laga ceyrin doonoo kooxda Tottenham , xaalada ayaa umuuqata mid cakiran ilaa hada mana jiro guul ay gaartay spurs.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga