Xasuuqii Dhacay Looma Kala Hadhin, Arsenal Oo Nus-Darsin Goolal Ah Ku Garaacday West Ham

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 6-0 ku xasuuqday naadiga ay isku magaalada yihiin ee West Ham United oo ay ku booqatay garoonka London Stadium, halkaas oo laga diiwaangeliyey ceebo waaweyn kaddib markii ay taageereyaashu iskaga dareereen garoonka qaybtii hore oo socota.

Arsenal ayaa waxa ay heshay guul ka caawisay inay dhibco ahaan iyo goolal ahaanba la simanto Manchester City oo ay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League ku wada jiraan.

Declan Rice ayaa burburiyey kooxdiisii hore ee uu ka tegay xagaagii oo aan wax naxariis ah u muujinin, waxaana uu ku sameeyey laba caawimood ka hor intii aanu waqti dambe isku qorin diiwaanka gool dhalinta.

Ciyaartan oo qaybta hore ay ku dhamaatay 4-0 ayay taageereyaashu iskaga dareereen garoonka markii ay ciyaartu maraysay 40 daqiiqadood oo kaliya, waxaana qaybta dambe oo dhan madhnaa inta badan garoonka, taas oo noqotay ceeb iyo fadeexad aan hore loogu arag horyaalka Premier League.

15 daqiiqadood oo qaybta hore ahaa ayaa ay Arsenal afar gool kaga dhalisay West Ham oo waqtiga nasashada u baxday iyadoo ay ciyaartoydu niyad-jabsan yihiin oo aanu midkoodna doonayn inuu kusoo laabto qaybta dambe.

William Saliba ayaa ciyaarta ku furay gool madax ahaa oo uu kubaddiisa soo tuuray Declan Rice daqiiqaddii 32aad, halkaas ayaanay ku xaqiiqsadeen in ay libinta helayaan.

Shantii daqiiqadood ee ugu dambeeyey qaybta hore ayay Arsenal la timid saddex gool oo uu midkood rikoodhe ahaa oo ay kala dhaliyeen Bukayo Saka, Gabriel Magalhaes iyo Leandro Trossard.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Arsenal sii wadday gool-dhalinteeda, waxaana min hal gool dhaliyey Bukayo Saka iyo Declan Rice oo isagu iska diiday inuu ku dabbaal-dego kooxdiisa hore.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay yeelatay 52 dhibcood waxaanay isku mid noqdeen Manchester City oo ay goolashana min 31 gool haystaan, waxaanay labadoodu min laba dhibcood ka dambeeyaan Liverpool oo haysata 54 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga