XASAASI: Mohamed Salah Oo La Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Liverpool.

Weeraryahankii hore ee Masar Mido ayaa si la yaab leh u sheegay in uu Mohamed Salah haatanba saxiixay heshiiska uu ugu biirayo horyaalka sucuudiga.

Salah ayaa bartilmaameed u ahaa horyaalka Sacuudiga tan iyo xagaagii lasoo dhaafay, markaasoo Liverpool ay diiday dalab 150 milyan oo ay Al Ittihad ku dooneysay weeraryahanka.

Iyadoo dalabkaas isla markiiba la diiday hadana waxa sii socda hadal haynta mustaqbalka Salah.

Weeraryahankii hore ee Ajax iyo Tottenham Mido ayaa xitaa sheegay in heshiiska Salah ugu biirayo sucuudiga haatanba la saxiixay oo la dhamaystiray.

41-sano jirkaan 51-kulan u saftay Masar, ayaa ku soo qoray X (Twitter): “Mohamed Salah waxa uu ka ciyaari doonaa horyaalka sucuudiga xilli ciyaareedka dambe”.

“Haatanba eaa la saxiixay heshiiska uu ugu biirayo sucuudiga”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga