Bayern Munich Oo Doonaysa Xiddig U Ciyaara Liverpool & Real Madrid Oo Sabab U Ah.

Kooxda reer Germany ee Bayern Munich ayaa ka shaqaynaysa sidii ay u badali lahayd Alphonso Davies kaas oo loo malaynayo in uu ku biirayo Real Madrid xagaaga.

Sida laga soo xigtay xogta uu helay wargeyska, Daily Mail xiddiga Liverpool Andy Robertson ayaa ka mid ah dookhyada Bayern.

Waxaa jiray warar sheegaya in xiddiga Milan Theo Hernandez uu ka mid yahay dookhyada Bayern Munich.

Heshiiska Alphonso Bayern Munich ayaa dhacaya xagaaga 2025 waxana ay ka baqaysaa in ay qaab xor ah ku waydo xiddiga xagaaga.

Andy Robertson ayaa muhiim ka ah kooxda Liverpool sanadihii ugu dambeeyay isaga oo kula guulaystay koobab badan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga