Yaab! Haaland Oo Kulan Kaliya Ku Dhaliyay Goolal Uu Xiddig Man United Dhaliyay Xilli Ciyaareedkan Oo Dhan.

Erling Haaland ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii FA Cup-ka ee ay ka badiyeen kooxda Luton Town.

Xiddiga Haaland ayaa dhaliyay saddexley qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo kooxda Luton Town dhulka ku jiiday.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu Haaland dhaliyay 2 gool waxana uu dhamaystiray 5 gool kulankii FA Cup-ka ahaa.

Kadib qaab ciyaareedka cajiibka ah Haaland ayaa ceebaystay xiddiga kooxda man United ee Marcus Rashford.

Xogta la diwaan galiyay ayaa sheegaysa in uu Haaland kulan kaliya ku dhaliyay goolal uu Rashford dhaliyay xilli ciyaareedkan oo dhan tartamada oo dhan.

Rashford ayaa dhaliyay 5 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan halka uu Haaland kulan kaliya ku dhaliyay 5 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga