Manchester City ayaa wajihi doonta in laga jaro 100 dhibcood haddii lagu helo inay jabisay sharciga Premier League, sida uu qabo khabiir.
Kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa wajahaysa 115 dacwadood oo ay ku jiraan inay ka gaabiyeen inay si dhab ah oo cadaalad ah u soo bandhigaan booskooda maaliyadeed iyo dacwado kale oo badan.
Mid ka mid ah dhagaysiga dacwada ugu weyn kubada cagta aya maanta bilaabanaysa iyada oo socon doonta 10-ka isbuuc ee soo socota iyada oo go’aan la gaadhi doono bilowga sanadka 2025.
Dacwadaha waxa la socda in ay kooxdu jabisay sharciga muddo 9 sano ah oo ka bilaabanaysa sanadka 2009.
Hadii dambiga lagu helo Man City, khabiirka dhaqaalaha Kieran Maguire ayaa filaya in premier League si xoogan u ganaaxo Man City kuwaas oo ku guulaystay horyaalo badan.
Maguire ayaa soo jeediyay in Man City laga jari doono ugu yaraan 100 dhibcood taas oo la macno ah in ay horyaalka gabi ahaan ka hadhi doonto.
Be the first to comment