Xaqiiqooyinka Kulanka Bayern Munich Iyo Arsenal Kulanka Caawa.

Kooxda Bayern Munich ayaa marti galinaysay Arsenal kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay iska xaadiriso wareega xiga markii ugu horaysay muddo aad u dheer.

Hadaba Halkan Kaga Bogo xaqiiqooyinka kulanka:

Bayern Munich ayaa doonaysa in ay markii 13-aad u gudubto wareega Semi-final-ka champions League halka ay Arsenal doonayso in ay markii 3-aad u gudubto wareega.

Markii ugu dambaysay ee ay Gunners iska xaadirisay Semi-final-ka champions League, Bayern Munich ayaa 8 jeer oo kala duwan u gudubtay.

Arsenal ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League booqatay Bayern Munich iyada oo labadii kulan ee ugu dambeeyay ay Bayern Munich ku badisay 5/1.

Arsemal ayaa kaliya badisay hal kulan 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Bayern Munich champions League.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga