Yan Diomande ayaa si weyn uga hadlay jacaylka uu u qabo Real Madrid iyo Cristiano Ronaldo, isagoo sheegay in Ronaldo uu yahay ciyaaryahanka uu ku daydo, Diomande ayaa yiri: “Marka Real Madrid ku soo wacdo, ma oran kartid maya.”
Xiddiga reer Côte d’Ivoire ayaa sidoo kale sheegay in Cristiano Ronaldo uu yahay sanamkiisa, isagoo yiri: “Cristiano Ronaldo waa sanamkayga. Marka aan tababarka tagayo, waxaan eegaa sawirradiisa. Sawirradu wax walba ayay sheegayaan.”
Wuxuu intaas ku daray: ”Waan ku faanaa inaan u ciyaaro kooxdii kii aan ku dayan jiray u soo ciyaaray.”
Diomande ayaa sidoo kale ka sheekeeyay markii Real Madrid ay la soo xiriirtay, isagoo qirtay in farxadda ay gaarsiisay heer uusan xitaa seexan karin, waxa uu yiri “Markii Real Madrid ay ii soo wacday, xitaa ma seexan karin! Ma rumaysan karin.”
“Kooxda ugu weyn adduunka ayaa i soo wacday!” ayuu yiri Diomande.
Hadaladan ayaa muujinaya sida uu Diomande ugu hamuun qabo inuu mustaqbalka ka mid noqdo Real Madrid, iyadoo xiriirka uu la leeyahay Cristiano Ronaldo uu yahay mid si gaar ah u saameeyay himiladiisa kubadeed.
Be the first to comment