Xiddiga reer Brazil ee Real Madrid, Endrick, ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday fikradda ah inuu ka tago kooxda xagaagan, inkastoo Liverpool ay xiisaynayso saxiixiisa, sida ay sheegtay ESPN Brazil, Endrick ma doonayo inuu ka dhaqaaqo Real Madrid, waxaana uu doonayaa inuu sii joogo kooxda si uu ugu dagaallamo booskiisa.
Liverpool ayaa xiisaynaysay weeraryahanka reer Brazil, balse ilaa hadda xiisaha kooxda Ingiriiska ma uusan gaarin heer ay soo gudbiso dalab rasmi ah. Si kastaba, caqabadda ugu weyn ee Liverpool waxay noqon kartaa rabitaanka Endrick oo aan doonayn inuu ka tago Madrid.
Endrick ayaa sidoo kale dhawaan iska diiday fursado amaah ah oo ay doonayeen Aston Villa iyo Roma, kuwaas oo xiisaynayay inay xilli ciyaareedkan amaah ku qaataan, ciyaaryahanka ayaa doorbiday inuu sii joogo Real Madrid oo uu isku dayo inuu boos ka helo kooxda koowaad.
Tababaraha Real Madrid, José Mourinho, ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu aad ugu qanacsan yahay Endrick, Mourinho ayaa si gaar ah ula dhacay maskaxda iyo dadaalka ciyaaryahanka, isaga oo aaminsan inuu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro boosas kala duwan oo weerarka ah, taasoo ka dhigi karta qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub.
Endrick ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah ugu ciyaaray Lyon, halkaas oo uu qaab ciyaareed wanaagsan kusoo bandhigay, waxaana uu sidoo kale qayb ka ahaa xulka Brazil ee ka qeyb galay Koobka Adduunka 2026.
Sidaas darteed, inkastoo Liverpool ay xiisaynayso Endrick, haddana xiddiga reer Brazil ayaa hadda doonaya inuu sii joogo Real Madrid, isla markaana uu la dagaallamo ciyaartoyda kale si uu boos joogto ah uga helo kooxda.
Be the first to comment