Manchester United oo £150 Milyan ku bixineysa Saxiixyadii horyaalka uqaadi qaadi lahaa sanad……

Manchester United ayaa xagaagan qaaday tallaabo weyn oo lagu xoojinayo khadkeeda dhexe, iyadoo kooxda Old Trafford ay qorsheyneyso inay ku bixiso ku dhawaad £150 milyan saddex ciyaaryahan oo kala ah Youri Tielemans, Andrey Santos iyo Carlos Baleba.

Warbixinta ayaa sheegaysa in maamulka Manchester United ay si gaar ah ugu faraxsan yihiin qorshahan, maadaama kooxda ay muddo dheer u baahnayd in dib loo dhiso khadkeeda dhexe.

United ayaa horey u xiisaynaysay Elliot Anderson, balse ciyaaryahanka ayaa ugu dambeyn ku biiray Manchester City lacag dhan £116 milyan,  sidoo kale, Tottenham ayaa ku bixisay ku dhawaad £185 milyan Mateus Fernandes iyo Sandro Tonali.

Sidaas darteed, Manchester United waxay aaminsan tahay in saddex ciyaaryahan oo tayo leh lagu heli karo lacag ka yar tii ay kooxaha kale ku bixiyeen hal ama laba ciyaaryahan, Youri Tielemans, oo 29 jir ah, ayaa kooxda u keenaya khibrad iyo tayo farsamo,  ciyaaryahanka reer Belgium ayaa muddo toddobo sano ah ku soo jiray Premier League, waxaana la filayaa inuu qayb ka qaato sidii culayska looga yareyn lahaa kabtanka kooxda Bruno Fernandes.

Dhanka kale, Carlos Baleba iyo Andrey Santos, oo labaduba 22 jir ah, ayaa loo arkaa maalgashi mustaqbalka ah, United waxay rajaynaysaa inay labadan ciyaaryahan muddo dheer qayb muhiim ah uga noqdaan kooxda.

Carlos Baleba ayaa si gaar ah loo doonayaa, iyadoo Manchester United ay xoojinayso dadaalkeeda ku aaddan saxiixiisa. Brighton ayaa xilli hore ciyaaryahanka ku qiimeysay ku dhawaad £112 milyan.

Tababare Michael Carrick ayaa sidoo kale heli doona Kobbie Mainoo, kaas oo dib ugu soo laabtay qorshaha kooxda kadib markii mustaqbalkiisa Old Trafford uu shaki galay. Mainoo ayaa la filayaa inuu khadka dhexe ku soo kordhiyo tamar iyo tayo dheeraad ah.

Waxaa sidoo kale jira Mason Mount, halka Manuel Ugarte uu dhaawac jilibka ah ku maqnaan doono dhowr bilood. Si kastaba, Ugarte waxaa la filayaa inuu kooxda ka tago marka uu si buuxda u soo kabsado.

Manchester United ayaa xagaagii hore inta badan lacagteeda ku bixisay weerarka, iyadoo la keentay Bryan Mbeumo, Matheus Cunha iyo Benjamin Sesko. Saddexdaas ciyaaryahan ayaa qayb ka noqday kooxdii United ka caawisay inay xilli ciyaareedka ku dhamaysato booska afarta sare.

Hadda kooxda ayaa diiradda saareysa khadkeeda dhexe, iyadoo rajadeedu tahay in Tielemans, Santos iyo Baleba ay noqdaan tiirarka cusub ee kooxda.

Inkasta oo khadka dhexe ee Manchester United weli loo arko inuusan la heer ahayn kan Arsenal, haddana qorshahan waxaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ku wajahan “Project 150”.

Hadafka ugu dambeeya ee Manchester United ayaa ah inay dib ugu soo laabato meesha ugu sarreysa kubadda cagta England, iyadoo qorshuhu yahay in kooxda ay Premier League ku guuleysato marka la gaaro 2028.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga