Premier League ayaa mar kale furmaya caawa, waxaana uu xilli-ciyaareedka 2026/27 uu leeyahay sheeko ka duwan kuwii hore. Jabhadda Arteta ee Arsenal ayaa difaacanaysa horyaalka, halka Manchester City, Liverpool, Chelsea iyo Manchester United ay dhammaantood doonayaan inay koobka ka qaadaan Emirates, lqakiin waa xaalad naf-hurid badan u baahan in Arteta oo koobkaan iyo horyaalkaan ka cayrsiday ninkii isaga ka waynaa ee Pep in dhinaciisa la aado, ma ahan wax-sahlan.
Haddaba, maxay kooxahan ugu baahan yihiin inay sameeyaan si ay ugu dagaallamaan horyaalka?
1. Arsenal – Difaaca horyaalka iyo Joogtayn Xoogan
In 22 sano ka dib dhiiga iyo calaamada Arsenal lugu qoro horyaalka, waxay ahayd mid aysan weligood Arkin kuwii dhashay 2005-ta iyo wixii ka dambeeyey oo maanta Qaan-gaari ah aysan weligood indhaha saarin Gunners oo kor u haysa Pl, markii ugu horaysay xilli ciyaareedkii horre.
Arteta ayaa hadda haysta faa’iidada ugu weyn: wuxuu garanayaa waxa ay u baahan tahay in horyaal lagu guuleysto, waana shayga, sharafta iyo sheehaanaanta uu dheer-yahay dhamaan 19-ka macalin hadda jooga horyaalka kuwaas oo aan weligood arag, Urin ama qaadin koobkaan cajiibka ah.
Mikel Arteta wuxuu haystaa koox muddo dheer wada shaqaynaysay, waxayna xagaagan lagu sii xoojiyey saxiixyo muhiim ah oo ay ka mid tahay Bruno Guimarães iyo weliba Vini-yaraha reer Giriig Tzolis kaas oo durba shan Caawin sameeyey kulmadii xagaaga iskululaynta Arsenal, Malaha Kani wuxuu u socdaa inuu jabiyo Rikoorka caawinta Premier League ee uu ku Jagatooraynayo Qaa’idka reer United ee Bruno, kaas oo 21-caawin sameeyey sanadkii horre.
Arsenal waxay sidoo kale leedahay qoto-dheeri ka fiican sidii hore, Laakiin caqabadda ugu weyn waa inay isku mar la tacaalaan Premier League iyo Champions League oo ah koobka looga fadhiyo Arteta inuu kooxda u qaado, iyagoona weligood ku guulaysan.
Waxa Arsenal koobka ku qaadi kara:
* Inay si joogto ah u garaacdo kooxaha hoose iyo kuwa dhexe:- waa Qaacido wayn oo uu Arteta aaminsan yahay, in ku guulaysigq horyaalku ku xiran yahay, Madax ka garaacidda kooxaha hoose iyo weliba kuwa dhexe, halka kooxaha waa wayn nafta la ag-dhigo oo xataa bareejo laga Sasabto.
* Inaysan lumin dhibco badan marka ay ciyaarto kulamo adag
* In weerarku noqdo mid Goolal badan dhalin kara:- sanadkii horre koornooyin badan oo ay dhaliyeen ayeey ku bad-baadeen, laakiin ma aha sheeko xilli-kasta kuu soconaysa, Kai iyo Victor waxaa looga fadhiyaa goolal badan.
* In ciyaartoyda muhiimka ah laga ilaaliyo dhaawacyada:- durba Arteta waa soo adeegtay oo Daafacii Aston-Villa ayaa ah kii ugu dambeeyey ee ay kooxda ku xoojiyeen, Saliba ayuuna badali doona.
* In Arteta uu si fiican u maareeyo culayska Champions League:- “Champions of Eurupe you never sing that” waa heesta keliya ee ay naceen taageerayaasha Arsenal oo dhago waynahaan waa u dhiman yahay Halka deriskooda Chelsea labo xabo oo madaxa ka xiran Madxafka u yaal, laakiin Arteta ayaa looga fadhiyaa sida uu labo tartan halmar u wadi geli karo, waa CL & PL.
Arsenal waxay xilli-ciyaareedka ku bilaabaysaa iyadoo ah favorite-ka ugu weyn oo khubaro badan badan oo saadaasha sameeya isku raaceen in Arsenal samaynta waxa afka qalaad lugu dhaho ”Back2Back” oo ay markii labaad oo xiriir ah ku guulaysan doonto horyaalka.
2. Chelsea – Xilli cusub, tababare cusub, weerar cusub
Ma ahan meel iyo Magaalo aad uga fog Arsenal, waa The Blues oo Geeska kale ee London ka dhisan kuwaas oo si aan caadi ahayn uga soo Jilaabaystay suuqa kala iibsiha, keliya iyaga oo fahma Taatikadda Alonso, waxay noqon kartaa kuwo Horyaalkaan calaamadda buluuga ku xardha mar-kale.
Chelsea waxay leedahay su’aasha ugu weyn: Xabi Alonso kooxda ma ka dhigi karaa mid si dhab ah ugu dagaallanta horyaalka?
Chelsea waxay gashay xilli-ciyaareedka iyadoo aan lahayn culayska tartamada Yurub, taas oo noqon karta faa’iido weyn. Waxay sidoo kale si weyn u maalgelisay suuqa ciyaartoyda, iyadoo Morgan Rogers uu noqday mid ka mid ah saxiixyada ugu waaweyn, inagoo ka wada dheregsan inuu Arsenal iska diiday, si kastaba haku diidee!
Shantaan Qodob waa Kuwa ugu muhiimsan ee ay Chelsea PL ku Hanan karto:-
* Alonso inuu si degdeg ah u helo XI joogto ah: waxaa looga fadhiyaa shax joogto ah oo isfahansan, lama doonayo wiilal markale isku Qab-qabsadda Rikoorooyinka iyo weliba Bilisyoonadda siddq horay u dhacday, Alonso ayaana la rabaa inuu soo xusho hal koox oo si joogto ah marwalba u wada ciyaarta oo isfahansan.
* Weerarka cusub inuu si fiican isku fahmo:- Danny Welbeck waa khabiir wayn oo kooxda kusoo kordhay, Laf-dhabar buuxda ayuuna u noqon doonaa weerarkoodu.
* Inay ka faa’iidaysato maqnaanshaha Champions League:- waa fursadd wayn oo aysan haysan kooxaha la Tartamaya, iyaga oo nasasho iyo casho fuul ah isku darsaday ayeey soo xaadiri doonaan.
* In difaacu noqdo mid adag:- Difaac Adag ayaa Koob wayn kuu qaadi kara! waana meel ay Chelsea aad uga jilicsan tahay, laakiin bal aan aragno sida Xabi Alonso Katiinaato uga dhigo halkaas!
* Inay si joogto ah uga soo baxdo kulamada waaweyn:- Lix sano iyo bar kama aysan badin Arteta iyo Arsenal, hadii aysan garaacin kooxda waqooyiga London ka dhisan malaha dhibaato wayn ayeey ku noqon doontaa?
Chelsea waxay noqon kartaa kooxda ugu weyn ee lama filaanka sameysa haddii Alonso si degdeg ah u dhiso nidaam shaqeeya.
3. Manchester City – Nolol Bilaa Guardioaka ah!
Manchester City waxay wajahaysaa isbeddel taariikhi ah. Pep Guardiola wuu baxay, laakiin Baso-dhaal kale oo uu wax-bqray ayeey kooxda u dhiibeen, waana Enzo Maresca oo Taatikadiisa aad loo dhaliilay markii ay baashaal iyo waji-gabax xoogan kala kulmeen Arsenal Axadii markaas oo 3:0 Afka ciida loo geliyey, Koobkii saxankana laga qaaday.
Tani waxay noqon kartaa awood ama dhibaato, ninkaan Enzi waa macalin aan la dhoolin karin, hadii uu helo wiilal isfahansan, waana ninkii Chelsea ku hogaamiyey inay noqoto Champions of the World.
City weli waxay haysataa tayo aad u badan, gaar ahaan Erling Haaland, laakiin kooxda waxay lumisay ciyaartoy muhiim ah iyo hoggaankii Guardiola. Rodri ayaa sidoo kale kooxdaan ka dhuuntay isagoona iska xaadiriyey Camp-nou haba iska dhabar-jabnaadee, waa Hogaamiye iyo awood muuqata oo khad-dhexe kaas oo ay City si wayn u tabi doonto.
City Sidee Markale PL ku qaadi karta?:-
* Maresca inuu si degdeg ah u dhiso falsafaddiisa:- horay ayaan qoraalka korre kuugu sheegay hadii uu helo wiilal yar-yar oo fagatax isfahansan ah koox celin doonta ma jirto.
* Haaland inuu mar kale noqdo mashiinka goolasha:- shaki nooga jirto tayadiisa, hadii uu markale shabaqa saaxiib la noqdo City waa joogtaa, laakiin hadii uu barkintiisa dheeraysto oo shabaqa ka seexdo kooxda reer Carab waa ahaatay!
* Khadka dhexe inuu helo xasillooni:- malaha Chelsea ayuu rabaa in laacibkooda reer Argentina rikoor kula soo wareego? laakiin waxaa Markhaati ma doonto ah inay u baahan yihiin buuxinta booska macalimuu Rodri.
* City inay si fiican ula qabsato tababaraha cusub.
* In aysan lumin dhibco badan bilaha hore:- waa mid aad muhiim ugu ah ku jiritaanka tartankooda horyaalka, hadii ay dhibco badan bilaha horre lumiyaan, waa inaysan waayin usoo bixitaanka Champions League, laakiin hadii ay joogtayn badan sameeyaan, waa halis buuxda oo muuqata.
Haddii City si degdeg ah ula qabsato xilliga cusub, weli waa koox aan la iska indho tiri karin.
4. Liverpool – Soo laabashada kadib xilli adag
Liverpool waxay u baahan tahay inay si degdeg ah u ilowdo wixii dhacay xilli-ciyaareedkii hore, markii ay badiyeen shan kulan oo xiriir ah, qofkasta waxa uu niyadda geliyey sheekadii ahayd “ Back2Back“ oo horyaalka iyagaa leh, laakiin sidaas ma noqon, xilli horre ayeey dhiiqaysteen oo ay Arsenal hogaanka farta ka saareen, wixii intaas ka dambeeyayna sheekadda oo dhan waa ka dharagsanahay.
Mohamed Salah wuu baxay, waxaana kooxda hadda hoggaaminaya Andoni Iraola, taas oo ka dhigaysa Liverpool mid cusub oo dhinacyo badan leh, waa macalin Fantastik ah oo kusoo guulaystay Bournemouth.
Liverpool iyo fursadaha ay horyaalka ku qaadi karto:
* Weeraryahannada cusub inay si degdeg ah ula qabsadaan.
* Iraola inuu helo qaab ciyaareed shaqeeya.
* Liverpool inay dib u hesho awooddii Anfield.
* In difaaca iyo khadka dhexe ay noqdaan kuwo joogto ah.
* Inaysan dhibco badan ku lumin kooxaha aan loo saadaalin inay tartanka kula jiraan.
Liverpool wali waxay leedahay tayada ay ku tartami karto, laakiin marka loo eego Arsenal, waxay haysataa shaqo badan oo dib-u-dhis ah.
5. Manchester United – Fursadda ugu weyn ee dib-u-soo-kabashada
Manchester United waxay xilli-ciyaareedka ku bilaabanaysaa rajo cusub iyadoo Michael Carrick hoggaaminayo, waa rajadda iyo riyadda keliya ee REER Fergie ka nool.
United waxay u baahan tahay wax ka badan ciyaartoy magac weyn leh: waxay u baahan tahay joogteyn, iyo inay wayneeyaan madxafkooda Riyadda Old-traford.
Youri Tielemans ayaa kooxda kusoo biiray, waxayna United doonaysaa inay dib ugu soo laabato meesha ay taariikh ahaan joogtay, marka loo eego tartankoodii xilli ciyaareedkii horre, waa tartamayaal sax ah oo horyaalka ku jira!
5-qodob oo Muhiim ah oo ay United koobka ku qaadi karto:-
* Carrick inuu helo nidaam cad:- inuu dib u shido Taarikhii horre ee macalinkoodii horre Sir Fergie
* Khadka dhexe inuu noqdo mid xooggan:- waa meel uu Qaa’idka yahay Bruno, iyagoona wiilka reer Brazil ee ay Chelsea kasoo afduubteen, halkaas lugu arki doono.
* Weerarku inuu si joogto ah goolal u keeno:- Benjamin Sesko oo boorka iska jafa ayeey kooxdu u baahan tahay, waana leeyahay tayadda uu ku noqdo gool-dhaliye sax ah.
* In Old Trafford laga dhigo meel dhib badan:- xilli waxaa jirtay kooxda halkaas u socota loo sii daari jiray muuqaalo Cabsi Tirid ah, si aysan maradu uga dhicin markii ay halkaas xaadiraan, laakiin hadda madxafkii riyadda Bahalo galeen ayuu noqday, kooxo yar-yar ayaa-ba dhibcahaas ku xisaabtamaya!
* In United ay kulamada waaweyn ka hesho dhibcaha muhiimka ah:- Man city iyo Arsenal ayuu Carrick labo isbuuc oo isku xiga is-dulsaaray, iyagoona sadex dhibcood oo nadiif ah kusoo qaatay Anfield, waana sababtii ay Champions League ugu soo baxeen, markale haday sameeyaan, waa xaalad adag oo Arsenal, Chelsea iyo City hor-taala xalintooda-na iyaga ayeey u taal!
Laakiin haddii si daacad ah loo hadlo, United waxay u baahan tahay inay marka hore muujiso inay tahay koox Top 4 ah oo joogto ah ka hor inta aan koobka loo saadaalin, waana mid lugu ogaan-doono 10-ka kulan ee ugu horeeya.
Isku soo duub, caawa markale Emirates waxa ka furmi doona tartanka ugu xiisaha badan Horyaaladda yurub ee PL, The Champions ayaana soo dhowayn doonta The Champions of Championshib
Waxaa qoray Wariye : Maxamuud Fantastic
Be the first to comment