Pep Guardiola ayaa si lama filaan ah u banaanka soo dhigay xanuunkii iyo culayskii uu ka qaaday kala taggii xaaskiisa Cristina Serra, isagoo arrintaas si toos ah ugu sheegay ciyaartoydii Manchester City xilli uu kooxda la hadlayay.
Guardiola ayaa ciyaartoyda u sheegay in isaga iyo Cristina ay is jeclaayeen, balse muddo kadib ay lumiyeen xamaasaddii xiriirkooda, Wuxuu sheegay in furriinkaasi uu qayb ka noqday isbeddelladii waaweynaa ee noloshiisa.
Laakiin hadalka Pep kuma ekaan arrimaha qoyskiisa, Wuxuu ciyaartoyda ku weeraray qaab ciyaareedkoodii, isagoo ka carooday inay garoonka ku waayeen rabitaankii iyo xamaasaddii looga baahnaa.
Pep ayaa fariin adag u diray xiddigaha City, isagoo sheegay inuusan doonayn ciyaartoy kaliya xirfad leh, balse uu doonayo ciyaartoy qalbi, dagaal iyo xamaasad ku ciyaaraya.
Wuxuu xusay inuu noloshiisa, qoyskiisa iyo dhibaatooyinkiisa shaqsiyeed u huray Manchester City, sidaas darteedna uu ka filayay ciyaartoyda inay garoonka ku bixiyaan wax walba.
Guardiola ayaa xitaa ka digay in haddii waxqabadkaas liita uu sii socdo, ay kooxda heli karto tababare kale.
Qisadan ayaa lagu soo bandhigay documentary-ga cusub ee A Beautiful Obsession, kaas oo muujinaya dhinac aad u gaar ah oo nolosha Pep ah—dhinac aan inta badan laga arkin garoonka iyo shirarka jaraa’idka.
Manuel Estiarte, oo ah qof si dhow ula shaqeeyay Guardiola, ayaa sheegay in ciyaartoydu ay ahayd inay fahmaan in Pep uusan ahayn tababare keliya, balse uu ahaa qof bini’aadan ah oo xilligaas la tacaalaya furriin iyo xanuun shucuureed.
Inkasta oo Guardiola uu sheegay inuu shaqadiisa ku faraxsan yahay, haddana warbixintu waxay muujinaysaa sida dhacdooyinkii noloshiisa gaarka ah ay u saameeyeen muddadii ugu dambaysay ee uu Manchester City hoggaaminayay.
Be the first to comment