Michael Carrick oo ka hadlay qorshaha Manchester United & Saxiixyada cusub ………..

Tababaraha Michael Carrick ayaa sheegay in Manchester United ay weli ka shaqaynayso xoojinta kooxda inta uu suuqa kala iibsigu furan yahay.

Carrick wuxuu yiri: “Waxaan doonaynaa inaan xoojino kooxda.”

Wuxuu intaas ku daray in kooxda ay si dhab ah uga shaqaynayso sidii ay uga faa’iidaysan lahayd fursadaha suuqa kala iibsiga, si Manchester United ay uga dhammaysato suuqa iyadoo ka xoog badan sidii ay ku soo gashay.

Carrick ayaa sidoo kale sheegay in ilaa hadda ay wax walba u socdaan jihada wanaagsan, isla markaana kooxda ay rajo fiican ka qabto inay sii xoojiso safkeeda ka hor inta uusan suuqu xirmin.

Micnaha hadalka Carrick ee Manchester United  ayaa muujinaya wali inuusan  dhamaysan qorshaheeda suuqa kala iibsiga, waxaana la filan karaa saxiixyo cusub inta ka harsan suuqa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga