Dhoolacadeynta caruurta ayaa saaran wejigiisa lkn gambisyadiisa & shuudadkiisa wey unaxariis daran yihiin kuwa kahorjeeda Isagu waa Sakka dheymanka madow ee arsenal , wilka ka dhashay qaaradda afrika isla markaana sare u haya rajada england muuqaalkan waxaanu kaga warami doonaa qisada nololeed ee wiilkan muxu ingiriiska uga doorbiday xulka qarankan wadanka nigeria oo ah wadankiisa asalka ah .
rikooradiisa sirta magaca Bokayo , maxa loogu naanesaa canugii dilaaga ahaa kan uu kaga daydo kubada cagta , cunsuriyadii loo geystay & sida loo dalbaday in latarxiilo , kumaadeysigiisa xidigaha man utd, & miyuu kubiiri doonaa Liverpool, inta & kabadan waxaan wadajir ugu baran doonaa xubinteena xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen barteena Kooxda.com fadlan nala aqriso maqaalkan .

5tii bishii september 2001 ayuu ku dhashay Bukayo sakka xaafada Ealing ee galbeedka magaalada London , waxa uu ahaa canuga ugu yar 2 walaalo oo ay dhaleen qoys muhaajiriin afrikan ah kuwaas oo asalkooda jeeda qabiilada Yuruba ee daga koofur galbeed galbeed dalka Nigeria , hooyadii waxa lagu magacaabaa adenek aabhiina waa Yomi saka , walaalkiisa kaweynna waxa lagu magacaabaa aayomi sakka .

Yaraantiisii ayuu bokayo ka dhexlay cishqiga kbada cagta qoyskiisa oo si daran u caashaqay gunners arsenal riyadiisa ugu weyn waxa ay aheyd xirashada maaiyadda kooxda gunners arsenal , kadib markii uuso bandhigay mowhibad weyn laaicbkan aabihii waxa uu go’aansaday inuu muhiimad gaar ah siiyo waayaha kubada cagta wiilkiisa , bukayo yaraantiisa waxa uuku wanaagsanaa kubada cagta , aabihii waxa uu siiyey dar daaran muhiim ah sida uu sheegay Bukayo waana in wiilkan uunoqdo mid aan isla weyneyn :- ” Aabahey waxa uu uu aha hanuuniyaha dhabta e aan lahaa tan & yaaraanteyda waxa uu ifariisin jiray dhulka ” .
Bilowgii waayaha bokayo waxa uu ahaa academiyadda Greenford Celtic kadibna waxa uu tijaabo ku galay akademiyadda Watford , makii uu jiray 7sano imtixaan uuku guuleystay ayuu ugalay naadiga Arsenal sanadkii 2008 si uu uxaqiijiyo riyadiisa kamid noqoshada safka gunnes arsenal , Bokayo waxa uuku bar baaray cishqiga xidigii hore ee naadiga Gunners arsenal Fredrick Lumjberk , waxa uu ka dhigtay mid uu ku daydo , mar dambena waxa ay fursadu siisay inuu ka hoos ciyaaro Lumberk kadib markii uunoqday macalinka dayarada kooxda kadibna Sakka waxa uu isu dhaafay heerarka hoose ilaa lagasoo gaaro kooxda 1aad sanadkii 2018,

Caalami ahaanna waxa uu sakka uciyaaray heerarka hoose Xulka England waqtiyada qaar waxa uu ka laba labeynayey matalida xulalka Nigeria & England , waxa uu sheegay inuu jecelyahay England kuna faanayo asalkiisa nigeria lkn laacibka wax uu aakhirkii ku guuleystay qaadashada go’aan ah inuu uciyaaro xulka 3da libaax ee england sanadkii 2020,
Bukayo waxa uu kula guleystay arsenal koobka FA ga & koobka Community sheild sanadkii 2020 , shaqsi ahaanna waxa uu ku guuleystay laacibka ugu fiican naadiga arsenal 2022. sidoo kale waxa uu ku guuleystay laacibka ugu fiican ee da’da yar xulka ingiriiska 2022 kadib markii ay ucodeeyeen jamaahiirta ingiriiska waana laacibkii ugu horeeyey ee arsenal ee kuguuleysta abaalmarintan & kii ugu yaraa ee ku guuleysta ebid /
Waxa uu noqday laacibkii ugu yaraa ee arsenal gool uga dhaliya yurub league ga & dhaliyaha goolka 2aad ee ugu deg degsiimo badan banaanka garoonkooda . halka uu noqday laacibkii 6aad ee ugu deg degsiimaha badan ku lugyeesha 50 gool marka ay joogto premier leage ga . xulka ingiriiska waxa uu ka yahay kan ugu yar ee ingiriiska ah ee uciyaara semi fianlka EUro g & mondoyaalka Qatar , waana laacibkii ugu horeeyey ee Arsenal ah ee gool uga dhaliya koobka dunida mudo 20 sanadood,
bilowgisii arsenal qiimahiisi lacageed waxa lagu sheegay 7 milyan oo yuro oo kaliya sida uu daabacay website transfer market lkn markii laacibka uu sameeyey bandhig wanaagsan isla markaana mowhibadiisa ay soo jiidatay caalamka ha ahato madaaficda ama 3da libaax qiimahaasi sare ayey ukaceen ilaa maanta uu gaaray mid kamid ah laacibiinta ugu qaalisan caalamka qiimahisia waxa lagu sheegaa 100 milyan oo yuro ka ahaan kan 2aad ee ugu qaalsan caalamka lagu daray pedri & jamal musiala.
Kulankii Todobaadka 21aad ee horyaalka ingiriiska waxa kulmay arsenal & United waxaana ay ka dhacday garoonka madaafiicda ee Arsenal waqtigaasi Gunnersa ayaa ku adkaatay -3-2, Saka ayaa ku maadeystay ninka ay isku wadanka yihiin ee Rashford kadib markii uu dhaliyey mid kamid ah goolasha 3da ah , rashford ayaa dhaliyey goolka 1aad waxa uu dabaal deg u aaday taageerayaasha arsenal dariiqadiisa cusub isagoo gacantiisa madaxa saaray waxaana uu tilmaamayaa inuu caqligiisa adeegsanayo si uu saka ugu jawaabo isla dariiqadaasi markii uu sagana gool kadhaliyey,

markii uu wacdaro lasameeyey arsenal gaar ahaan markii loo soo dalaciyey kooxda 1aad warbaahinta ingiriisksa waxa ay ku naaneystay canugii dilaaga ahaa maxaayeelay dhoolaceyntiisa waxey shabaheysaa mida caruurta halka gambisyadiisa & shuudadkisa ay dilayaan kuwa ka horjeeda naxariis la’aan, dheymanka madow e arsenal waxa uu ka hadlay Magaca Bukayo isagoo adkeeyey in ayeeyadii ay ubixisay magacaasi markii uu dhashay , waxaana ay doontay inuufarxad kusoo kordhiyo qoyska , magaca bukayo ayaa ka dhigan ilah farxad hakusoo kordhiyo guriga , waxaana siweyn ugu faafsan yahay magacan qabaa’ilka yuruba ee dega halka aykasoo jeedaan qoyskiisa ee naigeria
Bukayo waxa uu doorweyn ka qaataa howlaha kheyriga isagoo dhaqaale ugu tabaruca isbitaalada & hey’adaha kalmeeya kuwa caawimaada ubaahan , sanadkii hore waxa uu dhaqaale ugu deeqay hay’ad kamid ah kuwa magaalada kano ee dalka naigeria waana hay’ad caawisa caruurta lacagtaasi waxa loogu talagalay in lagu caawiyo inkabadan 100 caruur ah oo xanuuno kaqaba madaxa & maskaxda. sakka waxa uu ka leeyahay :-
” waxaan dareemaya inaan aad u nasiib badanahay maadaama aan ka qeyb kaqaadan karo caawinta caruurtan & inaan noloshooda ufududeyn karo isla markaana noloshooda ka yeeli karo mid kawanaagsan weli kama zuulin inaan dareemayo kuxirnashaha nigeria , waa wax aad muhiim iigu ah inaan saameyn wanaagsan kuyeesho halkaasi.”
Waxa loo geystay cunsiyad Sancho ^ Rashofrd sakka yaa lagu weeraray waxa lagu tilmaamay daan yeero kuwa kalena wax ay dalbadeen iney laga tarxiilo ingiriiska, waxa uu udiray fariin saigoo leh :-
“DHamaan adeegyadiina baraha bulshada Youtube , Facebook ama instigram madoonayo canug in lagu waxyeeleyo fariimahan aadka uliita ee aan lakulanay aniga, Marcos & Jadon. waa nasiib daro weyn in fariimihiisa ineysan ku filneyn wixii aan dooneyneyseen .
Yaraantiisa aad ayuu ugu fiicnaa waxbarashada gaar ahaan xisaabta mid kamdi ah macalimiintiisa ayaa saadaaliyey inu noqon doono laacib kubada koleyga kaasoo aakhirki noqday kahor inta uusan uguurin kubada cagta , waxa uu xiriir saaxiibtnimo oo xoogan kala dhexeeyaa saaxbadiisii hore ee academiyada sida Ed Nkeitah, Smith Row & Reis Nielson , macabo khamarada iskuma dabaco shaabada waxaana lasheegay diin ahaan inuu uheysto masiixiyada.
Waxa uu jecelyahay inuu waqti ku qaato ciyaarha video ga Waxa uu qiso jaceel oo qaaraami ah la jilayaa saaxiibtiisa sanadka kaweyn halka sano ee jolami benson lkn marwalba waxey doorbidaan in noloshaada gaarka ayka fogeeyaan tan baraha bulshada.

kan uu kaga daydo waxa uu ku sheegay saka laaicbkii hore ee koxoda arsenal fredrick Luimberk , inuu ahaa ki uuku dayan jiray yaraantiisa lkn taasi kadib waxa uu cashaqay cristiano ronaldo waxaana uu sheegay inuu aad ujecelyahay caqliyadiisa & rooxdiisa sareysa
mar laweydiiyey inuu doorto koox 5ley ah oo an xidig kaga soo qaadan arsenal waxa uu doortay (Ronaldo naxario, ROnadinho Nessi, Cristiano ronaldo & andres iniesta)
Waxa shaki kujira mustaqbalkiisa laacibka ayaa lasheegaya iney siweyn udoonayaan man city & liverpool lkn shabaka Footbalk insider waxey sheegeysaa arsenal iney lagaartay heshiisk mabdai ah kaliyana ay harsan tahay dhaqan gelintiisa.
Be the first to comment