Xavi Oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay PSG.

Tababaraha Kooxda Barcelona ayaa sheegay sida uu uga xanaaqsan yahay kadib guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay PSG kulan ka tirsanaa champions League.

Barcelona ayaa macasalaamaysay champions League Kadib guuldaradii ka soo gaadhay kulan ka dhacay Camp Nou oo looga badiyay 4/1.

Xavi ayaa ku yiri”Kuma qanacsani oo waan xanaaqsanahay, si fiican ayaan u ciyaarnay markii aan 11 xiddig haysanay, Aniga ahaan, in kaadhka cas loo taago Aruajo waxa ay ahayd ka badbadis”.

Ronald Araujo ayaa daqiiqadii 29-aad kaarka cas loo taagay kadib markii uu khalad ku galay xiddig PSG AH.

saga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Ma fiicna in 10 ciyaartoy lagu ciyaaro, wixii markaas ka dambeeyay waxa ay noqotay kulan kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga