Flick Oo Amaaneeyey Saxiixa cusub, Kana Hadlay Faa’iidada Uu Barcelona U Leeyahay

Tababaraha Barcelona ee Hansi Flick ayaa si weyn u amaanay daafaca reer Portugal ee João Cancelo, kaddib markii Barcelona ay si rasmi ah ula soo wareegtay ciyaaryahanka, Barcelona ayaa shalay  ku dhawaaqday inay Cancelo kula soo wareegtay heshiis joogto ah oo bilaash ah, kaddib markii uu ciyaaryahanku soo afjaray qandaraaskiisii uu kula jiray kooxda Sacuudiga ee Al Hilal.

Flick ayaa sheegay in markii Cancelo uu Barcelona yimid xilli ciyaareedkii hore uu u baahnaa waqti uu kula qabsado kooxda, balse markii dambe uu muujiyay tayadiisa, isagoo Barcelona siiyay fursado badan oo dhanka ciyaarta ah.

Tababaraha Jarmalka ayaa si gaar ah u amaanay awoodda Cancelo ee weerarka, isagoo sheegay in inkastoo waajibaadka koowaad ee daafacu yahay difaac, haddana waxa uu Cancelo ka qaban karo dhinaca weerarka ay tahay wax aan caadi ahayn.

Flick wuxuu yiri in Cancelo laga filayo inuu marka hore si heer sare ah u guto waajibaadkiisa difaac, laakiin marka uu weerarka ku biiro uu kooxda siin karo tayo dheeraad ah, Cancelo ayaa xilli ciyaareedkii hore Barcelona u saftay 23 kulan, iyadoo inta badan lagu ciyaarsiiyay booska daafaca bidix. Intii uu garoonka ku jiray wuxuu dhaliyay 2 gool, wuxuuna sameeyay 3 caawin.

Saxiixa Cancelo ayaa Barcelona siinaya ciyaaryahan khibrad badan leh oo ka ciyaari kara labada dhinac ee difaaca, isla markaana awood u leh inuu weerarka ka qayb qaato.

Barcelona ayaa hadda isu diyaarinaysa kulankeeda ugu horreeya ee rasmiga ah ee LaLiga xilli ciyaareedkan, iyadoo Axadda la ciyaari doonta Elche.

Flick ayaa rajaynaya in Cancelo iyo ciyaartoyda kale ee kooxda ay Barcelona ka caawiyaan inay si wanaagsan ku bilowdo xilli ciyaareedka cusub, iyadoo kooxda Catalan-ka ay doonayso inay mar kale u tartanto koobabka waaweyn ee xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga