Michael Owen oo qarsan waayey sida uu uga Shalaaynayo Fursaddii Manchester United ……

Michael Owen ayaa si weyn u amaanay weeraryahanka João Pedro, isaga oo sheegay in ciyaaryahanka reer Brazil uu yahay mid ka mid ah weeraryahannada uu aadka u qiimeeyo.

Owen ayaa yiri: “Waxaan ahay taageere weyn oo João Pedro ah, Waxaan u arkaa ciyaaryahan aan caadi ahayn.”

João Pedro ayaa muddo dheer soo jiitay indhaha taageerayaasha kubadda cagta, waxaana Owen uu sheegay inuu si gaar ah ula dhacay tayadiisa iyo awooddiisa weerarka.

Waxa ugu xiisaha badan hadalka Owen ayaa ah inuu sheegay in Manchester United ay ahayd inay la soo wareegto João Pedro dhowr sano ka hor, xilli uu weli u ciyaarayay Watford.

Owen wuxuu sheegay in waqtigaas Manchester United ay muddo dheer dhibaato ka haysatay booska weerarka, isaga oo aaminsanaa in Pedro uu noqon karay ciyaaryahan xalliya dhibaatadaas, waxa uu yiri :- “Manchester United waa inay la soo wareegi lahayd qiyaastii afar sano ka hor, markii uu Watford joogay, United muddo sanado ah ma aysan haysan weeraryahan ku filan, aniguna waxaan is lahaa: ‘Pedro kaas, aad ayaan u jeclahay,’” ayuu yiri Owen.

Hadalka Owen wuxuu dib u soo celinayaa su’aasha ah in Manchester United ay seegtay fursad weyn markii João Pedro uu weli ahaa ciyaaryahan da’yar oo Watford ka tirsan.

Pedro wuxuu tan iyo markaas sameystay magac weyn, waxaana qiimihiisa iyo sumcaddiisa si weyn u kordhiyay qaab ciyaareedkiisam marka la eego hadalka Owen, waxaa cad inuu rumeysan yahay in João Pedro uu ahaa ciyaaryahan ay Manchester United si hore ah u ogaan kartay, balse kooxda ay seegtay fursaddaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga