Xaqiiqooyinak Kulanka Adag Ee Caawa Dhexmari Doona Kooxaha Man City Iyo Real Madrid Champions League.

Kulanka ugu xiisaha badan champions League ayaa dhexmari doona kooxaha Man City iyo Real Madrid kulan ka tirsan champions League.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay u gudbaan wareega xiga ee tartanka.

Halkan Kaga Bogo xaqiiqooyinka kulanka:

Kooxda Man City ayaa noqon karta kooxdii 2-aad ee Real Madrid ka reebta champions League laba xilli ciyaareed oo xidhiidh kadib Ac Milan oo sidaas samaysay 1988/189 iyo 189/1990.

Man City ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay Real Madrid la ciyaartay intii uu Guardiola hogaaminayay kooxda.

5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee champions League u dhexeeyay Man City iyo Real Madrid ayaa laga dhaliyay 23 gool.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 8-aad ee dhexmara tabbaarayaasha Pep Guardiola iyo Carlo Ancelotti tartanka champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga