Waxaa soo baxaya faahfaahin cusub oo ku saabsan sababtii Rodri, oo muddo dheer Real Madrid u arkayay kooxdiisa riyada, uu ugu dambeyn u doortay Barcelona.
Rodri ayaa hadda ku sii jeeda Barcelona, iyadoo kooxda reer Catalonia ay Manchester City kula heshiisay lacag dhan £64.5 milyan. Waxaa la filayaa in xiddiga reer Spain uu saxiixo heshiis afar sano ah, laakiin su’aasha weyn ayaa ah: Sidee ayay Real Madrid u lumisay ciyaaryahan ay muddo dheer doonaysay?

Sida ay qortay warbaahinta Spain ee Marca, Rodri wuxuu Real Madrid u arkayay riyadiisa xitaa kahor inta uusan Manchester City ku biirin.
Sanadkii 2019, markii uu Rodri ka tirsanaa Atlético Madrid, wuxuu doonayay inuu u wareego Real Madrid, Balse waqtigaas heshiiskaasi ma noqon mid dhab ah, waxaana ugu dambeyn ciyaaryahanku doortay Manchester City.
Sanado kadib, fursad kale ayaa timid. Real Madrid waxay bilaabeen inay si dhab ah uga fekeraan saxiixa Rodri, gaar ahaan kadib Koobka Adduunka, laakiin dhibaatadu waxay ahayd in gudaha Real Madrid aysan jirin isku raac buuxa oo ku saabsan ciyaaryahanka.
Warbixintu waxay sheegtay in madaxweyne Florentino Pérez iyo agaasimaha guud José Ángel Sánchez ay Rodri la xiriireen, balse kooxda aysan u muujin xamaasad la mid ah tan taageerayaashooda, waxaa intaas dheer, gudaha kooxda waxaa jiray dad shaki ka qabay qaabka Rodri u ciyaaro, Qaar ayaa aaminsanaa inuu mararka qaar kubadda muddo dheer haysto, waxaana la sheegay in Real Madrid ay raadineysay ciyaaryahan khadka dhexe ah oo ka firfircoon.
Ciyaaryahanku wuxuu dareemay in Real Madrid aysan si buuxda ugu kalsooneyn isaga, iyadoo Barcelona dhinaca kale ay qaaday tallaabo ka duwan.
Hansi Flick, Joan Laporta, Deco iyo xitaa qaar ka mid ah ciyaartoyda Barcelona ayaa la sheegay inay si toos ah ula xiriireen Rodri, iyagoo isku dayaya inay ku qanciyaan inuu Camp Nou yimaado, Barcelona waxay Rodri siisay dareen ah inuu noqon doono qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha kooxda.
🎙️ أول لِقاء لـ رودري لاعباً لـ نادي برشلونة
سعيد جدًا لكوني جزءًا من نادي برشلونة
مرحلة جديدة في مسيرتي، وشغف جديد، وطريقة للشعور بأشياء جديدة مجددًا والتحمس
قبل كل شيء التطلع إلى أشياء عظيمة مثل دوري الأبطال
جئت إلى نادٍ طموح للغاية، يتناسب تمامًا مع أسلوب شخصيتي
سأحاول… pic.twitter.com/kPOd8lCxFu
— FCB World (@Forca_Fcb) August 18, 2026
Markii labada kooxood ay dhaqaale ahaan soo bandhigeen dalab isku dhow, Rodri wuxuu bilaabay inuu ka fikiro wax ka badan lacagta, waxa uu eegay xasilloonida kooxda, qaabka ciyaareed iyo doorka uu ka heli karo kooxda, halkaas ayay Barcelona kaga guuleysatay Real Madrid.
Barcelona waxay ku guuleysatay laba horyaal oo LaLiga ah oo xiriir ah, halka Real Madrid ay xilli ciyaareedkii hore ku dhammaatay xaalad adag oo ay hareeyeen khilaafaadyo iyo walaac ku saabsan mustaqbalka mashruuca kooxda.
Sidaa darteed, ciyaaryahankii mar Real Madrid u arkayay “riyada” ayaa hadda dooranaya kooxda ay Real Madrid ugu xifaaltanka badan yihiin, Rodri wuxuu Manchester City uga tagayaa isagoo sameeyay taariikh weyn. Wuxuu kooxda kula guuleystay afar Premier League, Champions League 2023, laba FA Cup, saddex Carabao Cup, UEFA Super Cup iyo Club World Cup.
Waxa ugu yaabka badan sheekadan ayaa ah in Real Madrid aysan Rodri ku lumin lacag darteed, balse ay u muuqato inay ku lumisay sida ay u maareeyeen xiisaha ciyaaryahanka.
Rodri wuxuu rabay inuu noqdo ciyaaryahan Real Madrid ah, laakiin markii fursaddii timid, Barcelona ayaa siisay waxa uu doonayay: kalsooni, xasillooni iyo dareen ah in si dhab ah loo doonayo, taasi waxay ka dhigtay mid ka mid ah heshiisyada ugu yaabka badan suuqa kala iibsiga xagaagan.a
Be the first to comment