William Saliba Oo Haatanba Saadaaliyay Xilli ciyaareedka Arsenal Ee Soo Socda

William Saliba ayaa ku adkeysanaya in ‘waxyaabo waaweyn ay ku dhici doonaan’ Arsenal xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii Gunners ay si dirqi ah ku lumisay horyaalka Premier League sanadkii labaad oo xiriir ah.

Arsenal ayaa badisay 28 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan iyaga oo urursaday 89 dhibcood waxana ay dhaliyeen 91 gool – in ka badan kooxdii Arsenal ee guuldaro la’aanta ku qaaday horyaalka premier league.

Laakiin xitaa taasi kuma filnaan inay hantaan horyaalkoodii ugu horreeyay ee Premier League tan iyo 2004tii iyadoo Manchester City ay mar kale sii heysatay koobka oo ay noqotay kooxdii ugu horreysay taariikhda ee afar koob oo isku xigta qaado.

Waxay ahayd dareen la yaqaan Mikel Arteta iyo kooxdiisa, kuwaas oo sidoo kale ku dhameystay kaalinta labaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, in kasta oo markan ay ku dhawaadeen inay soo afjaraan 20 sano oo ay sugayeen horyaalka.

Khubaro dhowr ah oo uu ku jiro geesiga Arsenal Paul Merson ayaa su’aal ka keenay in Gunners ay tartami Doonto Xilli ciyaareedkii 3-aad Oo xidhiidh ah xilli ciyaareedka soo socda, iyagoo soo jeedinaya in ciyaartoyda ay ka niyad jabi doonaan labada isku day ee fashilmay.

Laakiin Saliba ayaa kalsooni ku qaba in guulo waaweyn ay ku dhow yihiin Arsenal wuxuuna sheegay in ‘waxyaabo waaweyn’ ay dhici doonaan xilli ciyaareedka soo socda.

Daafaca reer France, oo ciyaaray daqiiqad kasta xilli ciyaareedka Premier League ee Arsenal, ayaa ku soo qoray Instagram: “Gunners, wax walba waad ku mahadsan tahay”.

“Taageerada xilli ciyaareedkan waxay ahayd mid waalan, waxaana dareemaynay daqiiqad kasta, xilli ciyaareedka Soo socda waxyaabo waaweyn ayaa dhici doona waanan wada gaadhi doona”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga