Xulka England ayaa wajahaya dhibaato lama filaan ah maalmo yar ka hor kulankooda ugu horreeya ee Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Croatia, kadib markii la xaday kabaha ciyaarta iyo qalab kale oo muhiim ah oo ay lahaayeen ciyaartoyda Xulka.
Xulka“Saddexda Libaax” ayaa deggenaa gobolka Florida tan iyo markii ay yimaadeen United States bilowgii bishan June, balse Jimcihii waxay u safreen magaalada Kansas City, halkaas oo ay saldhig ka dhigan doonaan inta uu socdo tartanku.
Xulka uu tababaro Thomas Tuchel ayaa qorshaynaysay inay tababarkoodii ugu horreeyay ku yeeshaan xaruntooda cusub galabnimada Sabtida, iyadoo qalabkooduna la filayay inuu halkaas soo gaadho ka hor tababarka.
Wararka ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in kabaha ciyaarta ee ay leeyihiin xiddigaha Jude Bellingham iyo Harry Kane ay ka mid yihiin qalabkii laga xaday gaadiidkii u waday xarunta tababarka ee Swope Soccer Village.
Haddii warkan la xaqiijiyo, waxay noqon kartaa caqabad ku timaadda diyaar-garowga England ka hor kulanka adag ee ay la leeyihiin Croatia ee Group L.
Booliiska ayaa goobta yimid habeenkii Jimcaha, waxaana la rumaysan yahay in laba qof loo xiray dhacdada la xiriirta xatooyada qalabka xulka England.
Arrintan ayaa ku khasabtay shaqaalaha England inay si degdeg ah u raadiyaan qalab kale oo ay kooxda u isticmaasho tababarka maanta. Waxa kale oo la sheegay in kubbadihii rasmiga ahaa ee tartanka iyo qalab kale oo muhiim ah ay ka mid yihiin waxyaabaha la waayay.
Waaxda Booliiska ee Kansas City Missouri Police Department ayaa bayaan ku sheegtay:
“Waxaan baadhaynaa xatooyo suuragal ah oo qalab ah oo laga qaatay gaadhi ay Xulku lahayd, kaas oo soo gaadhay Kansas City iyadoo qaar ka mid ah agabkii saarnaa maqan yihiin fiidnimadan. Baadhitaanku wali wuu socdaa.”
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xulka England uu isku diyaarinayo kulankiisa ugu horreeya ee Koobka Adduunka 2026, kaas oo ay la ciyaari doonaan Croatia, iyadoo wali aan la xaqiijin baaxadda dhabta ah ee qalabka lumay iyo saamaynta ay ku yeelan karto kooxda.
Be the first to comment