Xiddiga khadka dhexe ee Ghana, Thomas Partey, ayaa seegi doona kulanka ugu horreeya ee xulkiisa ee Koobka Adduunka kadib markii loo diiday inuu galo dalka Canada.
Partey, oo hore ugu ciyaari jiray Arsenal, ayaa bishii Luulyo ee sannadkii hore lagu soo oogay shan dacwadood oo kufsi ah iyo hal dacwad oo faraxumayn galmo ah. Bishii Sebtembar ayuu dhammaan eedeymahaas ku dooday inuusan wax dambi ah gelin.
Sidoo kale, bishii Febraayo waxaa lagu soo kordhiyay laba dacwadood oo kufsi ah, kuwaas oo uu mar kale bishii Abriil ku sheegay inuusan wax dambi ah ka lahayn.
Partey, oo xagaagii hore si xor ah uga tagay Arsenal kuna biiray kooxda reer Spain ee Villarreal CF, ayaa toddobaadkan gaaray United States, halkaas oo xulka Ghana uu isku diyaarinayay ololihiisa Koobka Adduunka xaruntooda tababarka ee magaalada Boston.
Kulanka ugu horreeya ee Ghana wuxuu noqon doonaa mid ay la ciyaarayaan xulka Panama, iyadoo maqnaanshaha Partey uu dhabar-jab weyn ku noqon karo kooxda Ghana.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka 32 jirka ah ee Thomas Partey ayaa laga saaray kulanka furitaanka ee xulka Ghana ee Group L, maadaama uusan awoodin inuu u safro dalka Canada.
Sidaas darteed, Partey kama qayb geli doono kulanka Ghana ay la ciyaarayso xulka Panama, kaas oo ka dhici doona magaalada Toronto maalinta Khamiista.
Maqnaanshihiisa ayaa dhabar-jab ku noqon kara Ghana, maadaama uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu khibradda badan uguna muhiimsan khadka dhexe ee xulka. Si kastaba, Ghana waxay rajaynaysaa inay natiijo wanaagsan gaadho kulankeeda ugu horreeya ee Koobka Adduunka inkastoo ay weyday Partey.
War ka soo baxay FIFA ayaa lagu yiri:
“FIFA waxay xaqiijinaysaa in ciyaaryahan Thomas Partey uusan awoodi doonin inuu uga safro xerada tababarka xulka Ghana ee magaalada Boston, dalka United States, una gudbo Canada si uu uga qayb galo kulanka ugu horreeya ee ay la ciyaarayaan Panama Arbacada, 17-ka Juun, kadib markii dowladda Canada ay diidday codsigiisii fiisaha.”
FIFA ayaa sidoo kale sheegtay:
“FIFA kuma lug laha habraacyada socdaalka ee dalalka martigelinaya tartanka, oo ay ku jiraan go’aaminta ama ansixinta fiisooyinka. Sida dhacdooyinkii hore ee FIFA, dowladda dalka martigelinaya ayaa ugu dambayn go’aamisa cidda la siinayo fiisaha iyo cidda loo oggolaanayo inay dalka gasho.”
Be the first to comment