WARBIXIN: Xiddigaha Tirda Ugu Badan Ku Guulaystay Koobka Copa America

Waxa la sugayaa bilaabashada tartanka Copa America oo la filayo in la qabto dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xulalka iyo xiddigaha ugu tunka weyn qaarada Koonfurta America ayaa isku diyaarinaya tartanka.

Ku guulaysiga koobka Copa America waa riayada xiddig kasta oo ka soo jeeda qaarada maadama uu yahay tartanka ugu qiimaha badan qaarada.

Lakaiin waxa jira xiddigo nasiib u yeeshay in ay koobka ku guulaysteen ina ka badna hal mar.

Hadaba halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha tirada ugu badan ku guulaystay koobka Copa America.

Xiddiga xulka Uruguay ee Angel Romano ayaa ah xiddiga ugu nasiibka badan isaga oo koobka ku guulaystay 6 jeer ahna xiddiga tirada ugu badan ku guulaystay.

Halkan kaga bogo xiddigaha ugu guulaysiga badan koobka Copa America:

Magaca                   Xulka         koobabka       Sanadaha lagu guulaystay.

Angel Romano    Uruguay               6             1916, 1917, 1920, 1923, 1924, 1926

Pascual Somma  Uruguay               4             1916, 1917, 1920, 1923

Alfredo Zibechi   Uruguay               4             1916, 1917, 1920, 1924

Hector Scarone  Uruguay               4             1917, 1923, 1924, 1926

Jose Nasazzi       Uruguay               4             1923, 1924, 1926, 1935

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga