WARBIXIN: Maxaa Ku Dhacaya Koobka Premier League Hadii Kooxaha Man City, Liverpool Iyo Arsenal Isku Dhibco Noqdaan Maalinta Ugu Dambaysa Premier League.

Maamulayaasha Premier League ayaa lagu wadaa inay la kulmaan go’aan adag isbuuca ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka, xilli ay macquul tahay in ay 3 kooxood ku tartamaan ku guulaysiga horyaalka maalinta ugu dambaysa horyaalka premier League kuwaas oo kala ah Liverpool, Arsenal iyo Manchester City.

Sagaal jeer tan iyo 1992, laba kooxood ayaa ku dagaalamay kaalinta koowaad maalintii ugu dambeysay, iyadoo Liverpool iyo Manchester City ay labo jeer sameeyeen xilli ciyaareedyadii u dambeeyay iyadoo Jurgen Klopp uu waayay labada jeer.

Xilli ciyaareedkan waxa ay u muuqataa in Arsenal ay ku biiri karto xaflada maalinta ugu dambaysa, iyadoo kooxda Mikel Arteta ay haatan hogaanka u hayso horyaalka iyadoo toban kulan ay ka harsan tahay.

Dhammaan saddexda kooxood ee ku tartamaya horyaalka ayaa maalinta ugu dambaysa ku ciyaari doona garoonkooda horyaalka premier League.

Arsenal ay wajihi doonto Everton, Liverpool waxay martigelinaysaa Wolves sidii ay 2022-kii, halka City ay la ciyaari doonto West Ham.

Koobka Premier League waa mid ka mid ah astaamaha ugu caansan kubadda cagta Ingiriiska, taariikhdiisa iyo dhaqankiisuna waa mid si qoto dheer uga dhex muuqda dhaqanka horyaalka.

Waxaa sameeyay Asprey London, the Crown Jewellers, waxaa jira laba koob oo maar ah oo isku mid ah oo u adeega ujeedooyin kala duwan.

Koobka labaad waxa uu u adeegaa ujeedo ka duwan maadama Premier League u isticmaalo xafladaha kafaala qaadka iyo hawlaha xayaysiinta ee aduunka oo dhan.

Iyada oo kaliya laba koob oo kaliya jiraan isla markaas 3 kooxood suurtagaltahay in ay mid ku guulaysato xisaabta ayaan xidhmi doonin laakiin sida laga soo xigtay The Sun, waxaa jira xal la diyaariyay.

Beerta caanka ah ee Stockley Park, waxaa jira koob Premier League ah oo la soo bandhigay, inkastoo aysan isku mid ahayn ama uusan ahayn maar haddana waxaa lagu soo waramayaa inay la mid tahay in lagu isticmaalo xaaladahan lama filaanka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga