WARBIXIN: Kulamada U Hadhay Kooxaha Arsenal, Liverpool Iyo Man City, Kooxdee Ayay U Hadheen Kulamada Ugu Adag

Is badal kale ayaa ka dhacay halka ugu saraysa horyaalka premier League iyadoo Arsenal ay hogaanka u qabatay horyaalka, iyadoo Liverpool iyo Manchester City ay dhibco lumiyeen barbaro 1-1 ah oo ka dhacay garoonka Anfield.

Waxa ay la macno tahay in uu jiro hal dhibic kala sareeyaan saddexda kooxood ee ugu sareysa iyada oo ay koox walba u hadhay 10 kulan.

Sidoo kale waa markii shanaad ee taariikhda Premier League in saddex kooxood ay ku kala baxaan hogaanka hal dhibic kaliya ka dib 28 kulan oo la ciyaaray.

Halkan waxaan ku eegeynaa koox walba kulamada u harsan.

Arsenal ayaa hogaanka haysa laakiin waxa ay wajahayaan imtixaankii ugu adkaa:

Halka Arsenal ay heshay kulankii ugu fiicnaa todobaadkii 28-aad ee saddexda kooxood ee u tartamaya, Gunners ayaa wajahaysa kulamo adag Iyada oo la ciyaari doonta Man City, Chelsea iyo Waliba Tottenham oo ay dheeryihiin kooxaha Everton iyo Aston Villa.

Kulamada Man City u dhiman ayaa ah kuwo ka fudud kuwa ay Arsenal wajahayso waxana kaliya kooxo waaweyn u hadhay Arenal iyo Tottenham inkasta oo ay wali la ciyaari doonto Aston Villa.

Liverpool ayaa ciyaari doonta kulamada ugu fudud marka laga tago kooxda Tottenham iyo Man United oo la odhan karo waa kooxaha ugu adag.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga