“25 Daqiiqo Ayay 3 Gool Ku Dhaliyeen, Anaguna 89 daqiiqo”Pep Guardiola Oo Durba Cabsi Ka Muujiyay Arsenal

Tababaraha Kooxda Man City Pep Guardiola ayaa ka hadlay kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Arsenal.

Kooxda Man City ayaa kulanka xiga ee premier League la ciyaari doonto Arsenal kulan ka tirsan horyaalka premier League xilli ciyaareedka.

Guardiola ayaa durba cabsi ka muujiyay qaab ciyaareedka kooxda Arsenal ee kulamadii ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Arsenal waxa uu noqon doonaa kulan adag, shaki kuma jiro arintaas”.

“Arsenal waxa ay leedahay Tayo, Anagu (Man City) waxa aan u baahanahay marar qaar 89 daqiiqo si aan u bar-barayno kulamada”.

“Laakiin Arsenal kaliya 25 daqiiqo ayay u baahantahay si ay 3 gool u dhaliso”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga