Xiddig Muhiim U Ah Arsenal Oo Seegay Tababarka Ka Hor Kulanka Champions League

Weeraryahanka Arsenal Gabriel Martinelli ayaan ka qayb qaadan tababarka ka hor kulanka ay Arsenal la ciyaarayso kooxda Fc Porto kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Laacibka reer Brazil ayaa dhaawac ka soo gaaray cagtiisa kulankii Sheffield United isniintii hore, in kasta oo Mikel Arteta uu sheegay in uu wanaagsan yahay.

Martinelli ayaa seegay kulankii Brentford ee Premier League waxana la filayay in uu diyaar u noqdo kulanka champions League.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyay ee kooxdiisu qaadatay ka hor kulanka champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga