WARBIXIN: 4 Xiddig Oo Dhaawici Kara Arsenal Kulanka Caawa Ee Champions League.

Taageerayaasha Arsenal ayaa laga yaabaa in ay si weyn u farxeen markii ay ku aadeen Fc Porto wareega 16-ka tartanka champions League.

Dhinaca magaca, kooxda reer Portugal ayaa ka mid ahayd kooxaha jilicsan ee ku hadhay tartanka marka la eego xaqiiqada ah in ay 7 dhibcood ka dambayso hogaanka horyaalka Portugal Benfica oo wareega Group-yada kaga hadhay tartanka waxana ay muujinaysaa in ay Arsenal si dhib yar ugu gudubto wareega 8 dhamaadka.

Si kasta ha ahaatee Fc Porto ayaa leh khibrad weyn oo champions League ah waxana ay haystaa xiddigo badan oo fiican waxana ay aamini karaan fursadooda u gudbista wareega xiga.

Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa 4 xiddig oo ay tahay in ay Arsenal iska ilaaliso kulanka:

Pepe

Porto waxa ay haysataa weeraryahano badan oo khatar ah oo ka soo jeeda dalka Brazil waxana ka mid ah xiddiga Pepe.

Ma ahan daafaca 40 sano jirka ah ee horay ugu soo ciyaaray Real Madrid laakiin waa xiddig da’yar ah oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Stephen Eustaquio:

Declan Rice ayaa Arsenal ka caawiyay in ay noqoto mid maamusha khadka dhexe kulamada xilli ciyaareedkan hadana xiddiga Stephen Eustaquio ayaa leh awood uu ku khal-khaliyo khadka dhexe ee kooxda Arsenal.

Evanilson:

Evanilson ayaa isku muujiyay inuu yahay gooldhaliyaha ugu halista badan Fc Porto xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 19 jeer 26 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay afar gool shantii kulan ee uu ciyaaray tartamada yurub inkasta oo dhamaantood ay laba kulan ka horyimaadeen kooxda ugu horaysay ee champions League.

Wenderson Galeno:

Wenderson Galeno oo ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan Champions League, ayaa u dhammaystiray weerarka xiisaha badan ee reer Brazil ee Porto.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, oo inta badan ka ciyaara dhanka bidix, ayaa afar gool dhaliyay, seddexna caawiye ka ahaa kaliya shan kulan oo Yurub ah, isagoo ka soo muuqday kulamadii gurigooda iyo martida ee Shakhtar Donetsk.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga