Warbixin: 10-ka Xiddig Ee Ugu Qaalisan Xiddigaha Wareega 16-ka Champions League Oo La Soo Saaray

Transfermarkt ayaa soo bandhigtay ciyaartoyda ugu qiimaha badan ee haatan ciyaaraya wareega 16ka Champions League ee sanadka 2024.

Liiskan waxaa ugu sarreeya xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Jude Bellingham, mashiinka goolka Man City Erling Haaland iyo xiddiga PSG Kylian Mbappe.

Dhammaan saddexda xiddig ee qaab ciyaareedka fiican ku jira waxaa lagu qiimeeyaa €180m.

Ciyaartoyga Arsenal Bukayo Saka (€120m), kan Bayern Jamal Musiala (€110m) iyo laacibka sannadka Afrika ee Victor Osimhen (€110m) ayaa dhammaystiray shanta xiddig ee ugu sareeya.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Gavi oo lagu qiimeeyay 90 milyan oo euro ayaa ah xiddiga kaliya ee Barcelona kaga jira.

Da’yarka ayaa ku kalainta 9-aad isaga oo 20 milyan ka sareeya xiddiga Xavi Simons.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga