War Degdeg ah: Victor Muñoz Oo Sawirkiisii Ugu Horreeyay Maaliyadda Liverpool …………..

Xiddiga reer Spain Victor Muñoz ayaa qaaday tallaabadii ugu dambeysay ee ku biiristiisa Liverpool, isagoo sawirkiisii ugu horreeyay ku galay Xarunta Tababarka AXA ee kooxda.

Victor Muñoz ayaa sawirka la galay wakiilladiisa Andy Bara iyo Juanma López, taasoo muujineysa in dhammaan faahfaahinta heshiiskiisa la soo gabagabeeyay.

Sawirka laga qaaday gudaha xarunta tababarka Liverpool ayaa sii xoojiyay wararka sheegaya in ku biirista Muñoz ee Reds ay tahay arrin gebi ahaanba la dhammeystiray, iyadoo la filayo in kooxda si rasmi ah ugu dhawaaqdo saacadaha ama maalmaha soo socda.

Taageerayaasha Liverpool ayaa hadda sugaya shaacinta rasmiga ah ee heshiiska, si Victor Muñoz uu u noqdo mid ka mid ah saxiixyada cusub ee kooxda xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga