Taageerayaasha Arsenal ayaa si caro leh uga falceliyay guuldarradii 3-1 ee kooxda ka soo gaartay Real Betis ciyaar saaxiibtinimo, iyagoo dalbaday in laba ciyaaryahan laga iibiyo kooxda ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.
Arsenal ayaa ciyaarta si liidata ku bilaabatay, iyadoo Rodrigo Riquelme uu daqiiqaddii 9-aad u dhaliyay Betis goolka koowaad, halka Nelson Deossa uu laba jibbaaray hoggaanka ka hor dhammaadka qeybta hore, Difaaca Arsenal Piero Hincapié ayaa hal gool soo celiyay, balse Pablo Fornals ayaa xaqiijiyay guusha Betis isagoo dhaliyay goolka saddexaad.
Guuldarrada kadib, taageerayaal badan ayaa si gaar ah u weeraray Kepa Arrizabalaga iyo Kai Havertz.
Kepa, oo beddelay goolhayaha koowaad David Raya intii lagu jiray kulankan diyaar-garowga, ayaa lagu dhaliilay qaab ciyaareedkiisa, iyadoo taageerayaal badan ay ku baaqeen in laga dhigo goolhayaha saddexaad, halka Ilan Meslier loo dallacsiiyo doorka goolhayaha labaad.
Sidoo kale, Kai Havertz ayaa la kulmay dhaleeceyn xooggan kadib markii mar kale laga ciyaarsiiyay khadka dhexe, Taageerayaal badan ayaa sheegay in booskiisa saxda ah uu yahay weerarka dhexe oo uu kula tartamo Viktor Gyökeres, halkii laga gelin lahaa khadka dhexe.
Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa xitaa dhaliilay tababare Mikel Arteta, iyagoo ku eedeeyay inuu ku celcelinayo khaladkii Havertz looga ciyaarsiin jiray khadka dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, ma ahayn war xun oo keliya Arsenal, Xiddiga cusub ee kooxda Christos Tzolis ayaa markale soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan. Inkastoo uusan wax gool ah dhalin kulankan, wuxuu sameeyay caawintii (assist) goolka uu dhaliyay Hincapié, isagoo sii xoojiyay rajada laga qabo inuu boos joogto ah ka helo shaxda Arteta xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment