DEG DEG Bruno Guimarães Oo Dhammaystiray Baaritaankii Caafimaadka, Arsenal Oo Iclaamineysa ….

Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran inay si rasmi ah u soo bandhigto xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil Bruno Guimarães, kaddib markii uu dhammaystiray baaritaankiisii caafimaad.

Bruno Guimarães ayaa la filayaa inuu qalinka ku duugo heshiis afar sano ah oo uu kula biirayo Arsenal, iyadoo heshiiska lagu soo gabagabeeyay lacag dhan 75 milyan oo Gini.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa la sheegay inuu maanta la hadlay Bruno Guimarães, isagoo si weyn ugu faraxsan imaatinkiisa. Wararku waxay sheegayaan in Arteta uu muddo sanado ah doonayay saxiixa ciyaaryahankan, ugu dambeyntiina uu ku guuleystay inuu kooxda keeno.

Arsenal ayaa la filayaa inay maalmaha ama saacadaha soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska Bruno Guimarães, kaas oo la filayo inuu xoojiyo khadka dhexe ee kooxda ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga