Wararka laga helayo gudaha Real Madrid ayaa sheegaya in tababaraha reer Portugal ee JosΓ© Mourinho uu si weyn uga carooday fashilka ku yimid qorshihii kooxda ee ku aaddanaa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Rodri, kaasoo hadda doorbidaya inuu u dhaqaaqo kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday warbaahinta Isbaanishka, waxaa jiray wada-hadal telefoon oo aad u kulul oo dhex maray Mourinho iyo Juni Calafat, oo ah masuulka qaabilsan arrimaha saxiixyada Real Madrid.
Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalkaasi uu ahaa mid xasaasi ah, iyadoo Mourinho uu si adag uga falceliyay sida ay wax uga dhaceen heshiiska Rodri.
Mourinho ayaa la rumeysan yahay inuu Rodri u arkayay tiirka ugu muhiimsan ee mashruuciisa cusub ee Real Madrid. Tababaraha ayaa qorsheynayay inuu khadka dhexe ee kooxda ku dhiso awoodda iyo tayada Rodri, maadaama ciyaaryahanka reer Spain uu caan ku yahay xakameynta kubadda, dejinta tempo-ga ciyaarta iyo awoodda uu u leeyahay inuu kooxdiisa ka caawiyo kulamada waaweyn.
Rodri ayaa sidoo kale loo arkayay inuu Real Madrid siin karo awood ay kula tartanto kooxaha waaweyn ee Yurub, gaar ahaan marka ay la ciyaarayso Barcelona iyo kooxaha kale ee heerka sare ah.
Laakiin xaaladda ayaa si lama filaan ah isu beddeshay, iyadoo Rodri uu u muuqdo inuu Barcelona ka doortay Real Madrid. Arrintan ayaa Madrid ku abuurtay walaac, maadaama Mourinho uu ka cabsi qabo in kooxda aysan suuqa ka heli karin ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah oo leh isla tayada iyo sifooyinka uu Rodri leeyahay.
Be the first to comment