Xiddigii hore ee xulka France, Benjamin Mendy, ayaa go’aansaday inuu xaraasho Copy gii rasmiga ahaa ee koobkii Koobka Adduunka 2018 ee uu lahaa, waxaana lagu iibiyay qiimo gaaraya qiyaastii €54,000.
Arrintan ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadal-heyn iyo dhaleeceyn, iyadoo dad badan ay ku doodeen in koob sidan oo kale ah oo astaan u ah guul weyn oo taariikhi ah aan la habboonayn in la iibiyo.
Laakiin Mendy ayaa si kaftan iyo kalsooni leh uga jawaabay dadka dhaleeceeyay, isagoo sheegay in koobku isaga leeyahay, sidaas darteedna uu xaq u leeyahay inuu sameeyo waxa uu doono.

Mendy wuxuu yiri: “Laakiin koobkan ma kayga ayuu yahay mise kaaga? Waa kayga, waa koobkayga, waxaana ku sameynayaa wax kasta oo aan rabo. Haddii buuq iyo dood laga sameynayana, mar walba waan diyaar ahay. Intaa waxaa dheer, wuxuu boos badan ka qaatay armaajada.” 😂
Sidaas darteed, Mendy ayaa si cad u muujiyay inuusan wax dhib ah ka qabin go’aankiisa, inkastoo iibinta koobkan ay dhalisay dood weyn oo ka dhex taagan taageerayaasha kubadda cagta.
Be the first to comment