WAR CULUS :- Saxiixa cusub ee real madrid oo la dhacay & ciyaartoyda kooxda oo kayaabay !

Warbaahinta Spain ayaa shaacisay in ciyaartoyda kooxda koowaad ee Real Madrid ay si weyn ula yaabeen awoodda iyo tayada ciyaaryahanka cusub ee kooxda, Sergio Martínez, kadib markii uu bilaabay tababarka kooxda, Real Madrid ayaa hadda isku diyaarinaysa kulanka ay la ciyaari doonto Real Betis Jimcaha soo socda, kaasoo ka tirsan wareegga 4-aad ee La Liga.

Sida ay qortay warbaahinta OKdiario, dareenkii ugu horreeyay ee gudaha Real Madrid ee ku aaddan Sergio Martínez ayaa ahaa mid aad u wanaagsan, ciyaaryahanka ayaa tababarka kula biiray xiddigaha kooxda koowaad ee Real Madrid ee xarunta Valdebebas, waxaana la sheegay in ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda ay si dhow ula socdeen qaab ciyaareedkiisa.

Wararku waxay sheegayaan in dadka ku sugan Valdebebas ay isku raaceen in Martínez uu leeyahay xirfado iyo awood farsamo oo heer sare ah, Sergio Martínez ayaa sidoo kale qayb ka ah qorshaha dheer ee Real Madrid, iyadoo kooxda ay si gaar ah u rajaynayso inuu horumariyo oo uu mustaqbalka muhiim uga noqdo kooxda koowaad.

Tababaraha reer Portugal José Mourinho ayaa doonaya inuu si tartiib ah u qiimeeyo ciyaaryahanka, iyadoo fursadda uu u helayo inuu si joogto ah ula shaqeeyo kooxda koowaad ay noqon karto tallaabo muhiim u ah horumarkiisa, Real Madrid ayaa kulankeedii ugu dambeeyay 4–0 kaga adkaatay Málaga garoonka Santiago Bernabéu, waxaana hadda indhaha lagu hayaa kulanka adag ee Real Betis.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga