Virgil van Dijk Oo Magacaabay Shaqsiga Leh Masuuliyada Guuldaradii Liverpool Ka Soo Gaadhay Arsenal.

Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa hadlay kadib markii ay kooxdiisu guuldaro kala kulantay Arsenal.

Van Dijk ayaa ciyaarta ka dib yidhi: “Maalin adag, waxaan u malaynayaa in goolka Martinelli, aan si buuxda u qaadayo mas’uuliyadda goolkaas.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxa ay ahayd waqti weyn kulanka, waxa ay ahayd in aan qaato go’aan ka fiican, xanuun ayay igu tahay aniga”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Sida aan sheegay ciyaarta waxa ay ahayd isbedel weyn, markii la isku soo laabtayna waxa aanu helnay fursado fiican oo aanu ku dhalin karnay goolal laakiin ma dhicin”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi”goolka 2-aad aniga ayaa masuuliyadeeda leh, waxan u malaynayaa in uu Alisoon i yara taabtay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga