Inter Milan Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaadhay Juventus Kulan Ka Tirsanaa Horyaalka Talyaaniga.

Kooxda Inter Milan ayaa guul adag gaartay Juventus kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga todobaadkii 23-aad ee xilli ciyaareedka.

Inter ayaa ku badisay gool ay Juventus iska dhalisay kulan ka dhacay garoonka San Siro.

Inter Milan ayaa ciyaarta la soo gashay shax ay ku jiraan, Yann Sommer, Pavard – Acerbe – Bastoni, Darmian – Barella – Kalhangulu – Mkhitaryan – Demarco, Lautaro Martinez – Thuram.

Halka shaxda Juventus ay ahayd sidan: Szczesny, Danilo – Bremer – Federico Gatti, Cambiasso – McKennie – Locatelli – Rabiot – Kostic, Dusan Vlahovic – Yildiz.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd ciyaar aad u heer saraysa, oo aad u xiiso badan, isla markaana ay labada kooxood isku dhaafsanayeen fursadaha kala duwan.

Inter Milan ay ku guulaysatay in ay goolkii ugu horeeyay hesho kadib markii xiddiga daafaca uga ciyaara Juventus ee Federico Gatti si khaldan isaga dhaliyay gool daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta.

Qeybtii labaad ee ciyaarta labada kooxood ayaa halkoodii kasii waday isku daygooda, waxaana mid walba u suuragashay in ay fursado helaan laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay gool u badalaan.

Guushaan qaaliga ah ayay Inter Milan ku xoojisay hogaanka horyaalka Seria A iyagoo leh 57 dhibcood, 22 kulan oo ay ciyaartay, halka Juventus ay ku joogsatay 53 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta labaad, ka dib markii ay ciyaareen 23 kulan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga