UEFA Oo Real Madrid U Ogolaatay Dalab Khaas Ah Ka Hor Kulanka Arsenal.

UEFA ayaa ogolaatay codsigii gaarka ahaa ee Real Madrid ka hor kulanka lugta labaad ee sideed dhamaadka Champions League oo ay la ciyaarayaan Arsenal.

Arsenal ayaa 3/0 ku badisay lugtii hore ee ka dhacday Emirates Todobaadkii hore.

Kooxda 15-ka jeer heysata horyaalka Yurub ee Real ayaa u baahan soo laabasho mucjiso ah si ay u gaarto semi-finalka waxaana la isku raacsan yahay in wiilasha Carlo Ancelotti ay si aad ah ugu baahan yihiin gool hore si ay uga soo baxaan wareega xiga.

Arsenal lagama dhalin saddex gool hal kulan tan iyo markii ay 4-3 kaga badiyeen Luton Town xilli ciyaareedkii hore laakiin Real ayaa la og yahay in ay ku caan tahay Soo laabashada Tartanka Champions League.

Waxaana soo baxday in Real loo gacan galiyay dhiirigelin weyn ka dib markii ay UEFA u ogolaatay inay sameeyaan waxa ay jecel yihiin inay sameeyaan ciyaaraha waaweyn.

UEFA iyo Real Madrid ayaa u xaqiijiyay SPORTbible in kooxda reer Spain la siiyay ogolaanshaha xiritaanka saqafka sare ee garoonka Santiago Bernabeu.

Garoonka Real ee dib loo cusboonaysiiyay ayaa ayaa lagu bixiyay wax ka badan 1.5 bilyan iyada loo sameeyay saqaf sare oo la xidhayo.

Real ayaa xidhi karta saqafka sare si ay Xaalada ugu xumayso Mikel Arteta iyo kooxdiisa.

Ciyaaraha La Liga, Real ayaa awood u leh inay go’aansato in saqafka sare xidho marka ay doonto laakiin Yurub waa in ay ogolaansho ka Hesho UEFA.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga