Tababaraha Mikel Arteta ayaa si cad u sheegay in Martin Zubimendi uusan ka tagayn Arsenal, isagoo xiddiga reer Spain ku tilmaamay ciyaaryahan muhiim u ah kooxda.
Arteta ayaa yiri: “Maya, waa ciyaaryahan runtii muhiim noo ah.”
Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale sheegay in Zubimendi uu shaki la’aan ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa Arsenal xilli ciyaareedkii hore.
Arteta ayaa intaas ku daray: “La’aantiis, marnaba ma gaari lahayn booskii aan ku jirnay toddobaadyadii ugu dambeeyay.”
Hadalka Arteta wuxuu meesha ka saarayaa wararka sheegaya in Zubimendi uu ka tagi karo Arsenal, isagoo muujiyay in ciyaaryahanka uu qayb muhiim ah ka yahay qorshihiisa.
Zubimendi ayaa Arsenal kaga soo biiray Real Sociedad, waxaana Arteta uu si weyn ugu tiirsan yahay khadka dhexe ee kooxda xilli ciyaareedkan.a
Be the first to comment