Cadowgaaga cadowgiisa waa Sxb-ka Rashford oo talaabo yaab leh kaga falceliyey kadib …..

Marcus Rashford ayaa si cad ugu mahadceliyay Jamie Carragher kadib markii xiddigii hore ee Liverpool uu ka difaacay in magaciisa mar kale dood laga dhigo barnaamijka caanka ah ee Stick to Football.

Arrintan ayaa timid kadib markii Gary Neville uu barnaamijka soo qaaday magaca Rashford, isagoo weydiiyay xubnaha kale aragtidooda ku saabsan xiddiga reer England iyo xaaladdiisa kadib markii uu dib ugu soo laabtay Manchester United.

Laakiin Jamie Carragher ayaa si degdeg ah u joojiyay doodda isagoo diiday in Rashford si xad-dhaaf ah looga hadlo barnaamijka,  Carragher wuxuu ku adkeystay in Rashford yahay ciyaaryahan wanaagsan oo Manchester United ah, isaga oo muujiyay inuusan rabin in mar kasta laga dhigo mowduuca ugu weyn ee barnaamijka.

Hadalkiisa ayaa si weyn u soo jiitay dareenka Rashford, kaasoo muuqaalka doodda dib ugu faafiyay bartiisa X, isaga oo Carragher ugu mahadceliyay taageerada uu muujiyay.

Rashford ayaa yiri: “Mahadsanid, Jamie. Way fiicnaan lahayd inaan madaxa hoos u dhigo oo aan kubadda ciyaaro anigoon magacayga maalin kasta la xusin.”

Farriintan ayaa muujinaysa in Rashford uu doonayo inuu ka fogaado buuqa iyo hadallada joogtada ah ee ku saabsan mustaqbalkiisa, isla markaana uu doonayo in waxqabadkiisa garoonka uu noqdo waxa ugu weyn ee laga hadlo.

Xilli ciyaareedkii hore, Rashford wuxuu amaah ugu ciyaaray Barcelona, isagoo dhaliyay 14 gool isla markaana sameeyay 10 caawimo dhammaan tartamada,  qaab ciyaareedkiisa wanaagsan wuxuu ka caawiyay Barcelona inay ku guuleysato LaLiga iyo Spanish Super Cup.

Barcelona ayaa markii dambe go’aansatay inaysan si joogto ah u iibsan Rashford, waxaana kooxda ay halkiisa ku soo qaadatay Anthony Gordon oo £70 milyan lagu helay.

Hadda Rashford wuxuu dib ugu soo laabtay Manchester United, waxaana tababare Michael Carrick uu si weyn u aaminsan yahay tayadiisa,  Carrick ayaa sheegay in Rashford uu yahay ciyaaryahan aad u wanaagsan oo kooxda wax badan siin kara, isla markaana uu mar kale awood u leeyahay inuu noqdo ciyaaryahan muhiim ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga